qorilugudnews24.com
La Yaabka Dunida: Canugii Yaraa Ee Ay Eedadii Keentay Meesha Oo Mar Kale Dhaliilo Madhaleys Ah Kula Dul Kufay Raggii Albaabada Ka Jebiyey Iyo Xukuumaddii Hore Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ee Dunida Bartay.
October 14, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wakiilka Cusub Ee Somaliland U Fadhiya Dalka Imaraadka Carabta Oo Ah Canug Yar Oo Ka Mid Ah Dadka Low Glass-Ka Ah, Isla Markaana Meesha Lagu Keenay Uun Qaraabo-Kiil Iyo Qoys Ahaan, Ayaa Tan Iyo Intii Xilkaas Loo Magaacabay Warbaahinta La Soo Taagan Naac Iyo Dhaliilo Madhaleys Ah Oo Uu La Daba Socdo Amb. Baashe Cawil Xaaji Cumar Iyo Xukuumaddii Hore Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Isaga Oo Ku Andacoonaya In Aanu Meesha Ku Iman Reernimo Sida Dadkii Ka Horeeyey, Arrintaas Oo Ah Mid Aanay Waxba Ka Jirin Oo Been Abuur Ah, Waxayna Ummadda Reer Somaliland Oo Dhammi Ka Marag-Kacaysaa In Meesha Lagu Keenay Isaga Qaraabo-Kiil Iyo Islaanta Odayga Ayaa Eedo U Ah.
Haddaba Waxa Ayaan Darro Ah In Mr. Xasan Yaasiin Hiirad Uu Maanta Isku Dhereriyo Raggii Isaga Albaabadii Ku Xidhnaa Ka Jebiyey Iyo Dawladdii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dunida Bartay Isaga Oo Aan Waxba Kala Socon, Isla Markaana Ah Dhidar Onkod Kiciyey, Waase Doqon Iyo Abaalkeed, Soomaaliduna Waxa Ay Ku Maah-Maahdaa ” Dhuuso Geel Mana Urto, Mana Maqnaato”.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News