qorilugudnews24.com
Madaxweyne Donald Trump Iyo Boqorka Dalka Sacuudiga King Salman Bin Cabdicasiis Oo Khadka Telefoonka Ku Wada Hadlay, Iskuna Fahmay Ciddii Dishey Weriye Jamal Khashoqgi.
October 15, 2018 - Written by qoriadmin

Washington-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump Ayaa Sheegay In Uu Wada Hadal khadka Telefoonka Ah La Yeeshay Boqorka Dalkaasi Sacuudi Carabiya King Salman Bin Cabdicasiis, Ayna Ka Wada Hadleen Arrinta Qoraaga Jamal Khashoqgi.

Trump Ayaa Sheegay In Boqorka Sacuudigu Uu Si Weyn U Beeniyey in Sacuudiga wax Lug ah ku leeyahay ama wax ka Ogyahay Saxafiga La Waayey, wuxuuna intaas ku daray in Wada hadalka uu la yeeshay Boqorka Sacuudiga Uu Ka Fahmay in Qoraaga Jamal Khashoqgi Ay Dileen Kooxo Calooshood U Shaqeysteyaal Ah.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Maraykanka inuu xoghayihiisa Arrimaha Dibedda si deg deg Ah ugu Dirayo Sacuudiga si uu Arrinta usoo kala Caddeeyo, kulamo dheeraad ahna Ula Yeesho Madaxda Sacuudiga.

Donald J. Trump

@realDonaldTrump

Arrintan Ayaa Soo Baxaysa, Iyada Oo Uu Sacuudigu Olole Xooggan Ugu Jiro Inuu Iska Leexiyo Tuhunka Saaran ee Dilka Qoraaga Jamal Khashoqgi, waxaana wax lagu qoslo ku Tilmaamay Warkan Xubno Ka Tirsan Aqalka Senet-ka Ee Dalkaasi Maraykanka.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News