qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Maamulka Puntland Oo Qarka U Saaran In Uu Cagaha La Galo Qalalaase Siyaasaddeed Iyo Ciidamo Mushahar La’aan La Gadoodsan Oo Maanta La Wareegey Gacan Ku Haynta Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garoowe.
November 4, 2018 - Written by qoriadmin

Garoowe-(QorilugudNews24)-Maamulka Xasaradda Badan Ee Puntland Ayaa Qarka U Saaran In Uu Cagaha La Galo Qalalaase Siyaasaddeed Iyo Ciidamo Mushahar La’aan La Gadoodsan Oo Maanta La Wareegey Gacan Ku Haynta Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garoowe, Arrintaas Oo Ay Dad Badani Walaac Xooggan Ka Muujiyeen.
Ciidamadan Ayaa Sida La Sheegay Mushahaar La’aan Uga Soo Gadoodey Deegaanka Tukaraq Ayaa Maanta La Wareegay Garoonka diyaaradaha Ee Gen. Maxamed Abshir Ee Magaalada Garoowe Sida Ay Xaqiijiyaan Goob-Joogayaal Ku Sugan Gegida Diyaaradaha Ee Garoowe, Ciidamadan La Wareegay Garoonka Ayaa La Sheegay In Ay Ka Amar Qaataan Nin Lagu Magacaabo Kornayl Sumaysane .
Tallaabadan Ay Ciidamadu Kula Wareegeen Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Garowe Ayaa Ku Soo Beegmaysa Xilli Uu Halkaas Booqasho Ku Joogo Ergeyga Gaarka Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Dalka Soomaaliya Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminaayo.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News