qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Nin Caawa Fiidkii Lagu Diley Deegaanka Darara-Weyne Ee Degmada Ceel-Afweyn Iyo Xaaladda Oo Aad U Kacsan.
November 5, 2018 - Written by qoriadmin

Ceel-Afweyn-(QorilugudNews24)-Wararka Hadda Naga Soo Gaadhaya Deegaanka Darara-Weyne Ee Degmada Ceel-Afweyn Ayaa Sheegaya In Caawa Fiidkii Lagu Diley Hal Nin, Marxuumkaas Oo Lagu Magacaabi Jirey Alle Ha U Naxariistee Saleebaan Xuseen Maxamed Oo Ka Mid Ahaa Shacabka Ku Dhaqan Degaanaasi Darara-Weyne Oo Ka Mid Ah Deegaanada Hoos Yimaada Degmada Ceel-Afweyn Ee Galbeedka Gobolka Sanaag,
Ninkaas Oo Sida La Sheegay Ay Dileen Dabley Hubaysan Ayaan La Xaqiijin Weli Ujeedada Dhabta Ah Ee Loo Diley Iyo Cidda Ka Dambaysa.
Deegaanka Darara-Weyne Ayaa Ka Mid Ah Deegaanadii Ay Dhawaan Ka Dhacday Shaqaaqo In Badan Soo Noq-Noqotay Oo Dhexeysey Laba Beelood Oo Iyagu Halkaasi Wada Degen, Waxaanu Dilani Ku Soo Beegmayaa Xilli Ay Labada Beelood Wada Gaadheen Heshiis Nabaddeed, Halka Ay Deegaanka Weli Ku Sugan Yihiin Ciidamo Tiro Badan Oo Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Booliska.
Kala Soco Wararkayaga Dembe Wixii Warar Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News