qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Sansaan Colaadeed Oo Laga Dareemayo Jiidaha Hore Ee Deegaanka Tuka-Raq Ee Gobolka Sool, Halkaas Oo Ay Muddoba Isku Hor Fadhiyeen Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Iyo Maleeshiyada Maamul-Goboleedka Pintland.
November 6, 2018 - Written by qoriadmin

Tuka-Raq-(QorilugudNews24)-Wararka Aanu Ka Helayno Ilo-Wareedyo Ku Sugan Deegaanka Tuka-Raq Ee Gobolka Sool Ayaa Sheegaya In halkaasi Ay Ka Jirto Sansaan Colaadeed Oo U Dhexaysa Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Iyo Maleeshiyada Maamul-Goboleedka Pintland.

Waxa Kale Oo Ay Wararku Sheegayaan In Ay Labada Dhinacba Halkaasi Soo Dhoobeen Ciidamo Laxaad Leh, La Isuna Bir Tumanaayo, Waxaana Laga Cabsi Qabaa In Uu Halkaasi Ka Dhaco Dagaal Culus Oo Aan Waxba La Isu Reeban.

Dhinaca Kale Hor-Joogaha Maamul-Goboleedka Pintland Mr. Cabdiweli Gaas Oo Uu Muddo-Xileedkiisii Ka Sii Dhammaanayo Ayaa U Muuqda In Uu Dagaalkan Uga Faa’idaysanaayo Sidii Uu Waqti Korodhisi Ugu Heli Lahaa Dagaalkan Uu Isagu Dabada Ka Riixaayo, Maadaama Oo Ay Ku Soo Fool Leedahay Doorasho Adag Iyo Loolan Xooggan Oo Uu Wajahaayo, Rajo Badana Aanu Ka Qabin In Uu Dib U Soo Laabto.
Kala Soco Wararkayaga Dambe Wixii Warar Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News