qorilugudnews24.com
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi-Gelinta Ee Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Shir Lagu Falanqeeyey Saxaafadda, Shirkaas Oo Lagu Qabtay Magaalada Dodoma Ee Xarunta Dalka Tanzania.
November 7, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyi-Gelinta Somaliland Md. Cismaan Xuseen Warsame Oo Muddo Afar Maalmood Ah Socdaal Shaqo Ku Jooga Waddanka Tanzania Ayaa Ka Qayb-Galay Shir Lagaga Hadlaayey Kor U Qaadida Saxaafadda Iyo Baadbaadinta Suxufiyiinta.

Sida Ay Ku Warantay Wakaaladda Wararka Ee SOLNA, Shirkaas waxa Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Ku Wehelinayey Agaasimayaasha Ururada SOLJA, WIJA Iyo Xubno Ka Socdey Human Rights Centre-ka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Warfaafintu waxa kale oo uu kula kulmay Dalka Tanzania Saraakiil iyo Wufuuf ka kala socdey Waddamada Bariga Afrika.

Shirkaas lagu qabtay Tanzania waxa furay Wasiirka Wasaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Ciyaaraha Tanzaania Dr. Harrison Mwakyemba, Waxa kale oo ka soo qayb-galay Madaxweynaha Maxkamadda Sare Ee Bini’aadanimada Afrika (African Court Of Human And Peoples Rights) Justice Sylvain Ore, Waxa Kale Oo Joogey Madaxa UNESCO Ee Bariga Afrika Mr. Tirso Dos Santos.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa Masuuliyiintaas si Gaar-Gaar ah ula kulmay shirka kadib, waxaanay ka wada hadleen Xoojinta Xidhiidhka ka dhexeeya Hay’adahaas iyo Dalalka Somaliland iyo Tanzania iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoon Isweydaarisiga Noocan Oo Kale Ah.


Source: Solnanews.com

COMMENTS
Latest News