qorilugudnews24.com
Saldhigga Imaraadka Carabta Ee Magaalada Berbera Oo La Xaqiijiyey Xilliga La Furi Doono.
November 7, 2018 - Written by qoriadmin

Berbera-(QorilugudNews24)Saldhiggii Militeri Ee Dalka Imaraadka Carabtu Ka Furanayeen  Magaalada Berbera Ee Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa  La Sheegay In La Furi Doono Bisha June Ee Sannadka Fooda Innagu Soo Haya Ee 2019-ka, Sida Ay Weriyeen Ilo Diblomaasiyadeed Oo Xogogaal Ahi.

Sidaasna Waxa Lagu Sheegay Warbixin Uu Maanta Daabacay War-Sidaha  Bloomberg  Ee Dalka Maraykanka Oo Wakaallada Wararka Somaliland Ee SOLNA, Ka Soo Xigatey Qormadan. Warku Wuxuu Intaas Ku Daray In Saldhigga Militeri Ee Imaraadka  Hawlaha Uu Qaban Doono Ay Ka Mid Tahay In Uu Ilaaliyo Xeebaha Somaliland.

Saldhigan Militeri ee Imaraadku Ayaa La Weriyey In Uu Ilaalin Doono Marsada Berbera Iyo Xeebta Somaliland Oo Dhererkeedu Dhan Yahay 800 Oo Km.

Danjirihii Hore Ee Somaliland U Fadhiyey Imaraadka Carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, Ayaa Bayaamiyey In Budhcad-Baddeedu Ay Maraakiib Ka Qafaasheen Xeebaha Somaliland  Bishii March Ee Kal-Hore.

Safiir Baashe Cawil ayaa waraysi lagaga qaaday Hargeysa Ku  Sheegay In Militeriga Imaraadka Carabtu Ay  Taageeri Doonaan  Gobolka Oo Dhan, Isla Markaana Ay La Tacaali Doonaan Budhcad-Baddeeda, Kalluumaysiga Sharci Darrada Ah Iyo Sunta Lagu Daadinayo Baddaha .

Mr. Baashe Waxa Uu Xusay In Dalka Imaraadka Carabtu Noqday Xudunta Ganacsiga Ee Gobolka, Sidaas Darteedna Aanay Arrintaasi U Suurto-Geli Karin Haddii Aanay Ilaalin Bedqabka Ganacsiga  Baddaha Isaga Kala Gooshaya.

Waxa Kale Oo Uu Baashe Cawil Caddeeyey In Saldhigga Berbera Oo Cabirkiisu Yahay 42 Km2  Uu Iskugu Jiro Saldhig Military Iyo Laba Madaar, Waxaanu Xaqiijiyey  In Mid Ka Mid Ah Labadaas Madaar Uu Boqolkiiba Lixdan Dhammaaday.

Solnanews.com

COMMENTS
Latest News