qorilugudnews24.com
Wargeyska Al-Carab Oo Warbixin ka Qoray Qorshe Ay Dawladda Ruushku Ku Doonayso In Ay Saldhig Militeri Kaga Furato Magaalooyinka Cadan Iyo Berbera (Military Bases).
November 7, 2018 - Written by qoriadmin

London-(QorilugudNews24)-Wargeyska Al-Carab Oo Ka Soo Baxa Waddanka Ingiriiska Ayaa Baahiyey Qorshe Ay Dawladda Ruushku Ku Doonayso In Ay Dib U Soo Celiso Saldhigyadii Militeri Ee Ay Ku Lahaan Jirtey Bariga Afrika.
Wargeyska Al-Carab Oo Ku Soo Baxa Luuqada Carabiga Ayaa Warbixintiisa Ku Sheegay in Dawladda Moscow Ay Doonayso In Ay Dib U Soo Celiso Saldhigyo Muhiim Ah Oo Ay Wakhtiyo Hore Ku Lahayd Magaalooyinka Cadan Iyo Berbera Ee Waddamada Yemen Iyo Somaliland.
Dawladda Ruushka Ayaa Doonaysa In Ay Dib U Soo Noolayso Awooddii Dhinaca Militeriga Ee Ay Ku Lahayd Bariga Afrika, Iyada oo Dawladii Ruushku ay ka baxday wakhtigii Uu Burburay Midawgii Soofiyetti, (Soviet Union) Balse Waxa Haatan Boodhka Dib Looga Jafayaa Saldhigyadii Ugu Muhiimsanaa Ee Ay Ku Lahaayeen Bariga Afrika Iyo Badda Cas.
Warbixinta Wargeyska Al-Carab ayaa lagu sheegay in dawladda Ruushku doonayso In Ay Tageerto Qorshe ay Yementa Koonfureed doonayso In ay ku hesho Madax-Bannaani, taas oo uu Ruushkuna doonayo in uu helo Goob uu Mucaawinada uu u sii mariyo Dadka ay Dagaaladu Barakiyeen Ee Reer Yamaneed.
Wargeyska Ayaa Sidoo Kale Sheegay in Masuuliyiin U Dhashay Dalka Ruushku Ay Heshiis Saldhig Ciidan La Saxeexdeen Xukuumadda somaliland, Kaas Oo Ku Saabsan in Moscow ay Saldhig ka samaysato Magaalada Saylac, Iyada Oo Wargeysku Susay In Saldhiggaasi Uu U Dhaw Yahay Qaar Kale Oo Ay Waddamada Shiinaha Iyo Maraykanku Ku Leeyihiin Waddanka Djibouti Oo Ay Xuduud Wadaagaan Somaliland.
Wargeyska Al-Carab Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Saldhigga Uu Dalka Ruushku Doonayo In Uu Ka Furto Somaliland La Keenayo Askar Tiradoodu Gaadhayso 1500, kuwaas oo Somaliland ka Caawin doona Dhinaca Tababarka Ciidamada, Iyada oo Wargeysku Caddeeyey In Xukuumadda Somaliland-na Ay Dalbatay In Ay Ictiraaf Ka Hesho Dalka Ruushka.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News