qorilugudnews24.com
Maxaad Ka Ogtahay Xidhiidhka Qarsoon Ee Ka Dhexeeya Jabhadda Kornel Caarre Iyo Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Villa Somalia??.
November 13, 2018 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Wargeyska Foore Ayaa Helay Xog Ku Saabsan Xidhiidh Toos Ah Oo Khadka Telefoonka Ah Oo Dhex-Maray Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mr. Mahdi Maxamed Guuleed Iyo Hoggaamiyaha Jabhadda Somaliland Ka Goosatay Ee Puntland Saldhigga Ka Samaysatay Kornayl Siciid Cabdi Jaamac Caarre Iyo Arrimaha Ay Ka Wada Hadleen.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu Wargeyska Foore soo gaadhsiiyey Masuul Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ayaa noo sheegay in Maalinimadii Jimcihii ee Doraad uu gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya kula kulmay koox uu sheegay in ay la Ballansanaayeen Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay hayb hoose isku ahaayeen Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka, waxaana uu noo sheegay in kooxdaasi ay u sheegtay in kulankii ay Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka la lahayeen uu dib uga dhacay isla markaana uu Ra’iisal Wasaaruhu Kaga Mashquulay Arrin uga timid dhinaca Kornaylka Jabhadda ku haysta Puntland Ee Somaliland Ka goostay ee Caarre kaasi oo sida ay sheegeen ay ka wada hadlayeen Arrimo gaar ah.
Masuulkan Wargeyska Foore la soo xidhiidhay ayaa noo sheegay in ay Kooxdan uu Madaxtooyadda Dhexdeeda kula kulmay Ay Ku Yidhaahdeen Hadalkan “Anaga oo Ku jirna Xafiiska Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa u soo dhacay Teleefan, Marqudha ayuu nagala kacay Teleefankii, Dabadeed Xoghayntiisii ayaa nagu War-Geliyey Inuu Ku Mashquulsan yahay Arrin ku saabsan Kornaylka Jabhadda Samaystay ee Somaliland ka goostay Ee Saldhigga Ka Samaystay Puntland Kornayl Caarre, Waxaanu Ka Maqlaynay Inay Islahaayeen Wixii Aad Noo Ballan-Qaadeen Deg Deg noo soo gaadhsiiya, iyo waxaanu hadda Ku Tallo Jirnaa in aanu Gudaha Somaliland u galno oo aanu Hawl-Galo ka fulino Goobo cayiman, intaasi ayaa nagaga soo duul duushay intaan xafiiska nalaga soo saarin ee aanaan dibedda uga soo bixin, Kornayl Caarre ayaa khadka teleefanka kala hadlayey” Ayey Hadalkooda ku soo gaabiyeen.

Masuulkan Wargeyska Foore uga waramay dhacdadan oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Farmaajo ka tirsan ayaa noo xaqiijiyey in Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu hadda u qaabilsan Xukuumadda Soomaaliya la Xidhiidhista iyo ka War- Haynta Jabhadda Somaliland-Diidka ah ee Somaliland Ka Goosatay ee Puntland u gashay, waxaanu noo sheegay inuu hadda ku guda jiro sidii Ay Jabhadaasi ugu soo guuri lahayd Gudaha Soomaaliya isla markaana ay Hawl-Galo uga fulin lahayd Gudaha Somaliland.
Waxa Uu Sidoo Kale Noo sheegay In Uu hadda Ku Hawlan Yahay Soo Gaadhsiinta Jabhadda Caarre Agab Iyo Lacag Ay Dawladda Soomaaliya Ugu Tallo-Gashay Taasi Oo Ay Ujeedadeedu Tahay Sidii Ay U Xoojin lahayd Jabhaddaasi Iyo Sidii Ay U Wiiqi Lahaayeen Awoodda Dhinaca Amniga Ee Somaliland.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News