qorilugudnews24.com
Yaa Ka Musuul Ah Doorashada Golayaasha Baarlamaanka Iyo Deegaanka Somaliland Ee Dib U Dhacday?: Garyaqaan Ubaxle.
November 29, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Kadib Markaan Dhegeystey War-Saxaafaddeedkii Ay Guddida Doorashoyinka Qaranku Ku Shaaciyeen 28 November 2018 In Aanay Dorashadii Golayaasha Baarlamanka Iyo Deegaanku Qabsoomi Karin Xilligii La Filaayey Ee 29-ka March 2019, Waxa Ii Soo Baxay In Gebi Ahaanba Aanay Jirin Sharciyad Iyo Daliil La Qaadan Karo Oo Ay Doorashadu Dib Ugu Dhacday.

Gudigu Waxay Daliishadeen In Doorashada Ay Caqabad Ku Noqdeen 3 Qodob Oo Kala Ah.
1. Sharciyad
2. Dhaqaale.
3. Siyaasad

1. Waxay yidhahden sharciyadda na hortaagani waa in dalka oo aanay diiwaan-gelini ka dhicin sidoo kalena aanu jirin kala xadeyntii iyo saami-qaybsigii, haddaba yaa iska lahaa masuuliyada qabashada hawshaas waa in ay cadaataa oo shacbiga loo soo bandhigaa cidda xilkeedii gudan weydey sharcigana la marsiiyaa ciddii xil gudasho la’aantaasi ka timi ee jebisey qodobka dastuuriga ah si aan loo Caadeysan xil-gudasho la’aan loogana gudbo caqabadaha joogtada ah ee mar kasta dib u dhiga dorashoyinka.

2. Waxay yidhahdeen dhaqaale ayaanaan u hayn doorashada, sida ku cad Qodobka 15aad ee Xeer lambar 20/2005 Gudiga doorashoyinku waa in ay marka la magcaabo samaystaan miisaaniyadoodii ay doorasho kasta ku qaban lahaayeen una gudbiyaan madaxweynaha si Basrlamanka looga ansixiyo looguna daro miisaniyada qaranka, sidaa darteed waa xilgudasho la,aan ka timi komishinka oo ay ku gudan waayeen waajibaadkoodii shaqo.

3. Waxay yidhahdeen arinta siyaasada waxaa caqabad Nagu noqday Xisbiga WADANI oo joojiyey wada shaqayntii komishinka, taasina cudur daar ma noqon karto waayo ma jirto waajib dastuuriya iyo masuuliyad xisbiyada ka saaran qabashada doorashada ama joojinta doorashada.

Sida ku cad Qodobka 7aad ee Xeer lambar 37/2007 Komishinka waa in codbixiyayaashu iyagoo la diiwaan geliyey ay diyaar u yihiin ugu yaraan 6 bilood ka hor oo ku beegnayd 29 September 2018.

Dhamaan arimaha sharci ee la xidhiidha qabsomida doorashada iyo masuliyadda komishinku waxay deedafaynayaan qodobada ay komishinku ku sababeeyeen dib u dhaca doorashoyinka sidaa darteed waa in dastuurka iyo xeerarka sharci shaqeeyaan oo ay jirto isla xisaabtan lagula xisaabtamo hay’ad kasta masuliyadii ay qaranka iyo shacabkaba uga masuulka ahayd waana ta keliya ee lagaga gudbi karo dibu dhaca iyo jiitanka la caadeystey.

Wa bilaahi towfiiq
Garyaqan Abdiraxman Ali Ubaxle
Hargeysa
Somaliland

Kuvahaun tulos haulle warsaxaafadeed guddiga doorashooyinka somaliland
By: Garyaqaan Abdirahman Ali Ubahle.

COMMENTS
Latest News