qorilugudnews24.com
Iska Ilaali Halista Maraq-Digaagga, (Qoraal Digniin Ah).
November 30, 2018 - Written by qoriadmin


Waxaan Ka Hadlayaa Maanta Mawduuc Muhiim U Ah Qoys Walba Oo Soomaaliyeed In Ay Wax Ka Ogaadaan, Wuxuuna Ku Saabsan Yahay Caafimaadkaaga Iyo Midka Qoyskaaga, Dhibaatadaas Oo Ay Dhici Karto In Ay Jikada Kuu Taallo, Waa “Maraq-Digaagga” Lagu Daro Suugada Cunnada Lagu Cuno.

Maraq-Digaaggu Aad Ayey Soomaalidu U Isticmaashaa waxayna ku Darsadaan Suugada si loogu Carfiyo, Dhadhana Loogu Yeelo, Shirkaddaha Sameeya Maraq Digaagga Ay Badanaa Soomaalidu Isticmaasho Waxa Ka Mid Ah: “Maggi”, “Oxo” “Jumbo”, “Knorr” iyo “CalNort”.

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu horeyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin “Maraq-Digaag”, Taasi waxaa sii dheer in laga sameeyey waxyaabo Caafmaadka u darran oo Halis ku Gelin kara, waxaana ka mid ah:

  • Cusbo: Waxa Ugu Badan Ee Uu Maraq-Digaaggu Ka Samaysan Yahay Waa Cusbo weliba Xad Dhaaf Ah.
  • Dufan: Waxaa Ku Xiga Waa Dufan Loo Yaqaano “Trans Fat” Oo La Ogyahay Halista Ay Wadnaha U Leedahay Maadaama Xididada Yar-Yar ee Wadnaha Ay Xidho.
  • “MSG”: Maadadan waa waxa ugu Qatarsan ee ku jirta Maraq-Digaaga, Maraykanku waxay u yaqaanaa “Slow Killing Poison” Oo Macnaheedu Yahay “Suntii Sida Aayarka Ah Wax U Dileysey”, Cilmibaadhisyo kala duwan oo lagu sameeyay Maadadan “MSG” Oo Maraq-Digaagga Ka Buuxdo Waxaa La Ogaaday In Ay Keento Cudurka Goon-Jabka, Dhiigkarka, Boogaha Gaaska “Ulcer”, Beer Xanuunka, Hilmaanka / Feejignaan La’aanta iyo Xanuun Loo Yaqaano “Fibromyalgia” oo Soomalida ku soo Badanaaya Sannadahaan dambe, ka akhriso Halkaan waxa uu yahay Fibromyalgia: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0
    MSG Waxaa Loo Soo Gaabiyey “Monosodium Glutamate”
  • Lafo Digaag: Markii Shirkadda “Maggi” Ay Bilaabaysay samaynta Maraq-Digaagga, waxay ku dari jireen Lafo Digaag Oo La Shiidey ama Hilib La Shiidey, waxaana la dhihi jirey wuxuu geleyaa Bedelka Digaagga, Maad Hilibka Suugada ku darsatid, laakiin Waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer Toon, Filfil iyo Wayxaabo kale oo Carfis ah oo Shirkadduhu ku kala Duwanaan karaan.

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah Ku Carafsan kartid Suugadaada sidii awelba ay Soomaalidu Taqaanay, Kabsar-Caleenka, Toonta, Filfisha, Xawaajka iyo Wixii La Mid Ah.
Haddii kale inta aad Digaag Karsato, Maraqa Ka Miiro Oo Carfiso, Kadibna Qaboojiyaha Gasho Oo Maalintii aad wax Dallacanayso Waxoogaa yar ku darso Suugada.


Ogow waxaa jira Shirkaddo Aan Ka Fekeraynin Caafimaadkaaga Oo Jeebkaaga Ku Tiirsan, Wixii Cusub Oo Aaddan Aqoon U Lahayn Baadhis Ku Samee Inta Aaddan Isticmaalin.
Akhriso Halista Yaanyo Shiid-Shiidkahttp://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0


Haddii aad su’aalo Caafimaad ah qabtid iigu soo dir qaybta su’aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com

COMMENTS
Latest News