qorilugudnews24.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sheegay In Uu Aad U Soo Dhaweynaayo In Ay Haweenka Reer Somaliland Tabashadooda Kor U Qaadaan
December 5, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Maanta Ka Qayb-Galay Shirweynaha Dhaq-Dhaqaaqa Haween-Weynaha Reer Somaliland, Kaas Oo Maanta Lagu Qabtay  Huteelka Maansoor Ee Magaalada Hargeysa.

Kulankaas Oo Ay Soo Abaabuleen Ururrada Iyo Dalladaha Kala Duwan Ee Ay Haweenka Somaliland Ku Leeyihiin Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka, isla markaana lagu Faaqidayey Caqabadaha Haweenka ka haysta dhinaca ka Qayb-Galka Siyaasadda, ayuu Madaxweynuhu  muddo saacado ah Haweenka Kaga Dhegaystay Dhibaatooyinka Dhinacyada kala duwan ee Nolosha ka haysta, waxana uu muujiyey sida uu madaxweyne ahaan diyaarka ugu yahay inuu gacan buuxda uga geysta sidii bulshadu ugu baraarugi lahayd kaalinta mugga leh ee ay haweenku kaga jiraan jiritaanka mujtamaca.

Guddoomiye-ku-xigeenka ururka haweenka ee NAGAAD,  Marwo Khadra Cumar Xuseen oo ugu horayn kulanka Ibo-furtay, ayaa ku dheeraatay kaalinta ay Haweenku kaga jiraan Bulshada iyo sidii ay ugu soo dhabar-adaygeen xaaladihii adkaa ee waddanku soo maray, waxana ay hoosta ka Xariiqday inay muhiim tahay in Abaalkooda il-gaar ah lagu eego oo xilalka Qaran ee ay xaqa u leeyihiin loo Igmado.

Xubno ka mid ah labeenta iyo Haldoorka Haweenka Reer Somaliland oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, Ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu waqtiga u siiyey inuu dhegaysto caqabadaha dhinacyada kala duwan ee nolosha ka  haysta haweenka, isla markaana uu diyaarka ugu yahay inuu qaybtiisa ka qaato Suulinta Caqabadahaas.

Wasiirrada  wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo  Shaqo-Gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo Marwo Hinda Jaamac Gaanni oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay lama taabtaanka u yihiin Haweenka Somaliland, waxana ay intaas ku dareen in Xkuumaddu ku baraarugsan tahay muhiimadda Haweenka, islamarkaana ay wixii itaalkeeda ah diyaar ula tahay inay Xilal Culus u igmato, sida haddaba ka muuqata dhismaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Hoggaamiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa si weyn u bogaadiyey kulanka ballaadhan haweenka reer Somaliland ee ay kusoo bandhigayaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka guud ahaanba nolosha ka haysta, waxana uu shaaciyey inuu si toos ah iyo si dadbanba uga hawlgelayo sidii  caqabadahaas looga gudbi lahaa.

Madaxweynuhu wuuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inay Haweenku si aan Qarsoodi lahayn usoo bandhigaan Tabashooyinka ay qabaan iyo helitaanka Xuquuqda ay aaminsan yihiin inay ka maqan tahay, “Aad baan ugu Faraxsanahay Haweenku inay is abaabulaan oo gartooda sheegtaan, aad baanan u soo dhaweynayaa inay Tabashadooda kor u sheegaan oo ay si dhiiran uga hadlaan, Madaxweyne, Xukuumad, Baarlamaan iyo cid kasta oo Arrintu ku xidhan tahayba inay la hadlaan oo la maqlo aad iyo aad baan u soo Dhaweynayaa,” Ayuu Yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

    

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News