qorilugudnews24.com
Saqiirkii Qashinka Lagu Tuuray Ee Haddana Dib Loo Sheegtay, (Kiis Yaab Leh Oo Hor-Yaalla Mid Ka Mid Ah Maxkamaddaha Magaalada Muqdisho).
December 6, 2018 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Fiid Khamiiseed Ayey Ahayd Markii Aniga Iyo Laba Dhallinyro Ah Oo Saaxiibaday Ah Aanu Xaafadda Warta-Nabadda Meel Geedka Garan-Waaga Ah Dhexdiisa Aanu Ka Maqalnay Oohinta Ilma Yar Oo Codkiisu Sii Daciifaayo Maadaama Uu Waqti Badan Yaalley Meesha.

Waanu Istaagay kadibna waxaanu u leexanay Dhanka Geedaha Waxaanu Aragnay ilmo Yar oo Ku dhex jira Qodxaha Geedka Jirkiisana meel walba Qodxo Ka Taagan Yihiin, Argagax aanu qadnay kadib waxaan bilaabay in aan ilmaha soo qaado Oo Qodxahana ka guro, Isla markaasna waxaan u wacday Gabar ila dhalatay oo Kalkaaliso Caafimaad ah ayada ayaa Gar-gaar deg Deg ah u Samaysay illaahayna waa bad baadiyey, waa Ayadaas Sawirkeeda aad aragtaan Gabadhii Yarayd ee aan Qashinka Qubka ka soo qaaday.

Hadda waxay jirtaa Ku Dhowaad Sannad waxayna ahayd mid aanu wada nool nahay maxaa yeelay waxaa Gacanta ku haysey oo korinaysay Cunugtan yar Gabar Walaashay ah, Anigana waxay ii ahayd mid aan iiga duwanayn ilmo aan dhalay Maalinkii saddex jeer waan booqan Jirey Habeenkiina ma ay seexan Jirin ilaa aan Ciyaarsiiyo, Hooyo iyo aabbe kale ma taqaan aan ahayn aniga iyo Walaashayda gacanta ku haysey.

Habeenkii aan soo qaaday subaxeedii waxaan geeyey oo Warqad ka soo qortay Maxkamadda, Saldhigga iyo Degmada Warta-Nabadda, warqadaas oo ah mid cadaynaysa inaan Cunugtan helay Isla markaasna aan korsan Karo la Ilana Ogaado kadibna aan xaq u leeyahay Masuuliyadeeda iyo koriimadeeda, hadda Usbuucii la soo dhaafay Waxaa dacwad Naga dhaxaysaa Islaan Sheeganaysa in ay dhashay Cunugtan iyo Annnaga Waana markii Afraad aan Maxkamadda Gobolka Banaadir Isla tagno.

Sida Sharcigu qabo in aan Ku Kala baxno oo aan ku wareejiyo haddii ay sax tahay Ayaan rajeynayaa, Maanta waxaan ka jeclahay Malaha in Aniga La I Yiraahdo adaa korsanaya ee hayso cunugtaada maxaa yeelay Silicii iyo Calool Xumadii Habeenkii aan Geed Yuhuudeedka Qodxihiisa ka gurayey ayaa ii muuqda Mar walba, Maalinka Khamiista Ayaa ballantii ugu dambaysa ee Kala baxa Maxkamaddu ku dhawaaqaysaa si shareecadda Islaamka waafaqsan.

Fikirkaaga Ka dhiibo maxaa ku talin lahayd? Yey kula tahay in loo Xukumo Korinta iyo Masuuliyadda Miskiintan Qashinka Loo Quuray?

Waxaa Diyaariyay: Bashiir Cilmi

COMMENTS
Latest News