qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Taliyihii Hawl-Gelinta Ciidanka Booliska Ee Somaliland G/Sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganey) Oo Xilkii Laga Qaaday, Iyo Ciidankii Booliska Oo Isu Bedeley Gebi Ahaanba Ciidan-Beeleed Ka Madax-Bannaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland.
December 6, 2018 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Somaliland Sareeyo Guuro Cabdillaahi Fadal Iiman Ayaa Xilkii Ka Qaadey Taliyihii Hawl-Gelinta Ciidanka Booliska Ee Somaliland G/Sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganay) Oo Xilkaas Loo Magacaabey Wax Yar Ka Hor Uun Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee Dhacday 13.11.2017-ka

Cabdillaahi Fadal Iiman Ayaa Xilkan U Magacaabey Masuul Hore Xilkan U Soo Hayey, Kaas Oo Lagu Magacaabo Maxamuud Ducaale Isla Markaana Ahaa Masuulkii Ka Horeeyey Taliyahan Maanta Xilka Laga Qaadey, Waxa Kale Oo Hore Xilka Looga Qaaday Taliyihii Ciidanka Ilaalinta Cashuuraha G/Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle, Kadibna Lagu Tuuray Gobolka Sool, Taliyihii Gobolka Saaxil Gaashaanle Dhexe Mr. Khushi, Iyada Oo Saddexdan Taliye Ee Xilka Laga Qaaday Ay Ka Soo Wada Jeedaan Hal Beel.
Haddaba Arrintan Ayaa Bannaanka U Soo Saartay Fadeexadda Baahsan Ee Dul Hoganaysa Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Fadal Oo Ciidankii Booliska Ee Somaliland Ka Dhigay Ciidan-Beeleed Isugu Uun Ku Amar Ku Taagleeyo, Isla Markaana Ka Madax-Bannaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Ciidamadaasi Hore U Hoos Tegi Jireen, Taas Oo Ku Fashilantay In Ay Wax Ka Qabato Saraakiishan Isku Beesha Ah Ee La Bar-Tilmaameedsanaayo.
Waxaynu Hore U Ogeyn In Saraakiishii Beesha Habar-Jeclo Hore Looga Soo Nadiifiyey Gobollada Togdheer Iyo Sanaag, Halka Qaarkood Markii Dambe Lagu Diley Magaalada Berbera, Oo Aan Ilaa Iminka Ciddi Isweydiin, Arrintaas Oo Loo Aanaynayo In Uu Dilkooda Wax Ka Ogaa Taliye Fadal Iimaan.


Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News