qorilugudnews24.com
Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ku Mashquulsan Ka Qayb-Galka Xafladdaha Yar-Yar Ee Ay Haweenka Xaafaddaha Hargeysa Ku Qabsadaan Hudheelada Magaalada Hargeysa Iyo Qaar Ka Mid Ah Awoodihiisii Oo Si Khaldan Looga Faa’iideysanayo.
December 7, 2018 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Tan Iyo Intii Uu Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland La Wareegey Md. Maxamed Kaahin Axmed, Ayaa Waxa Isa-Soo Taraayey Is Kooxaysiga Iyo Qabyaalada Baahsan Ee Ka Dhex Socota Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland, Kaas Oo Si Gaar Ah Lagu Ugaadhsanaayo Saraakiisha Iyo Askarta Kale Ee Ka Soo Jeeda Deegaanada Beelaha Bariga Burco, Arrintaas Oo Ay Dabada Ka Riixayaan Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland S/Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan Iyo Ku-Xigeenkiisa Mr. Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Kuwaas Oo U Muuqda In Ay Si Khaldan U Adeegsanayaan Qaar Ka Mid Ah Awoodihii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Ee Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, Taas Oo Loo Fasiran Karo In Aanu Wasiirku Wax Xog Ahba Ka Haynin Waxa Meesha Ka Socda Iyo Cidda Awoodda U Leh In Saraakiishan Xilka Si Fudud Looga Qaado, Laguna Bedelo Rag Xilkan Hore U Soo Maray, Isla Markaana Ku Soo Fashilmay.
Haddaba Waxa Aynu La Soconaa Awooddihii Ay Lahaan Jireen Wasiiradii Kala Duwanaa Ee Soo Maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland, Kuwaas Aan Ka Xusi Karo Ex-Wasiir Maxamed Nuur Carraale Duur, Oo Isagu Ahaa Wasiirka Keliya Ee Sameeyey Ciidan Dhan Iyo Taliskiisii, Kuwaas Oo Hadda Loo Yaqaano Ciidanka RRU-da, Isla Markaana Uu Taliye U Yahay G/Sare Cabdi Axmed-Tiir,Ciidankaas Oo Ka Koobnaa Wasiir Duur Beeshiisa Oo Keliya, Mana Ay Dhici Jirin In Taliye Ciidan Oo Isaga Hoos Yimaadaa Uu Waxa Uu Doono Iskaga Dhaqaaqo, Taasina Waxa Ay Ka Mid Tahay In Ciidamada Booliska Iyo Kuwa Badda Ee Somaliland Labaduba Ay Si Toos Ah U Hoos Yimaadaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland, Isla Markaana Aanay Taliyeyaashoodu Awood U Lahayn In Ay Xilka Ka Qaadaan Saraakiil Ciidan, Kuwaas Oo Aanay Wasaaradda Arrimaha Guduhu Waxba Ka Ogeyn.

Guntii Iyo Gebagabadii, Waxa Ay Arrintani Daboolka Ka Qaaday In Wasaarddii Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Ay Soo Wajahdey Fashil Baahsan In Ay Awood Yari, Taas Oo Sababtay In Ay Kooxo Gaar Ahi Si Khaldan Uga Faa’iideystaan, Iyaga Oo Isticmaalaya Ujeedooyin Qarsoon Oo Salka Ku Haya Arrimo Hore Iyo Mid Qabyaaladdeed Oo Aan Lala Gaban, Iyada Oo La Abaarayo Cid Gaar Ah, Waxaanuna Halkan Ku Soo Gud Binaynaa Magacyada Taliyeyaashii Ugu Dambeeyey Ee Sida Qabyaaladaysan Xilka Looga Qaaday, Kuwaas Oo Ay Ka Mid Yihiin:-

1. Taliyihii Hawl-Gelinta Ciidanka Booliska Ee Somaliland G/Sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Ganey).
2. Taliyihii Ciidanka Ilaalinta Cashuuraha G/Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle
3. Taliyihii Gobolka Saaxil Gaashaanle Dhexe Mr. Khushi.
4.Taliyeshaashii Degmooyinka Gobolka Sanaag Oo Dhan Oo Iyana Meesha Laga Wada Saaray Isla Markaana Rag Kale Oo Isku Wada Beel Ah Lagu Bedeley.

Arrintaas Oo Ciidankii Booliska Ee Somaliland Ka Dhigtay Gebi-Ahaanba Ciidan Beeleed  Reer Hargeysa Oo Keliya Ka  Kooban, Isla Markaana Meel Ka Dhac Ku Ah Sharaftii Iyo Haykalkii Dawladnimo Ee Somaliland, Sidoo Kalena Shaki Gelin Karta Kalsoonidii Lagu Qabey Ciidank Booliska Somaliland.

Ugu Dambayn Wasiir Maxamed Kaahin Ayaa U Muuqda Nin Aan Waxaas Oo Dhan Waxba Kala Socon, Balse Keliya Ku Mashquul Oo Keliya Ka Qayb-Galka Xafladdaha Yar-Yar Ee Ay Dumarka Reer Hargeysa Ku Qabsadaan Hudheelada Kala Duwan Ee Magaalada Hargeysa, Taas Oo Keentay In Qaar Ka Mid Awoodihiisii Si Khaldan Looga Faa’iideysto.
La Soco Qaybta Labaad….
By: Weriye Cabdalle Xirsi Magan (Digtoorka).

COMMENTS
Latest News