qorilugudnews24.com
Fadeexadii Ugu Weyneyd Oo Ay Ku Kaceen Qaar Ka Mid Ah Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ee London UK.
December 11, 2018 - Written by qoriadmin

adna lol

Fadeexadii Ugu Weyneyd oo Ay Ku kaceen taageerayaal U ololeeya XISBIGA WADANI London UK

Reer WADANI Oo Fadeexaddii Ugu Weyneyd Kula Kacay QARANIMADA Somaliland Goor Ay Wasiirka Deegaanka Somaliland Iyo Ergeyga Gaarka Ah Ee Ictiraaf Raadinta DRS Adna Aaden Ay Ku Sugnaayeen Baaralamaanka UK Hoos Ka Akhriso Warqad Fadeexadda Oo Ay Ku Tuureen Goobta Ay ku shiraayeen Weftiga ka Yimi Somaliland Iyo Xildhibaano Iyo Madax Sare oo Kamida Dalka Ingiriiska.

Iyadoo Waftiyo culus at  ku sugnaayeen Maalamahanba Dalka UK ayaa waxa maalintii Isniinta  Kulan gaara la lahaa baaralamaanka Ingiriiska wasiiro Iyo Drs Adna Aaden Iyo Safaarada Somaliland Ee UK, Kadib Markii Uu Dhamaaday Shirki  Iyo Kulankii Balaadhnaa ee Ay Xildhibaanada  Katirsan Aqalaka Wakiilada Dalka Ingiriiska ,,, Ayaa Waxa goobtaasi soo galay Gabadh Iyo Nin La Socday oo U Ololeeynaayay Xisbiga WADANI Kana Soo Jeeda Beesha Guddoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro ,Iyadoo Ku Noqotay Yaab Iyo Amankaaga Dhammaanba Madaxadii Goobatani Joogtey Cadaan Iyo Madowba, Waxaanay Ku daadiyeen Waraaqo Ay Ku Qoranyihiin Dadkan Aad la Shiraysaan Waa TUUG,  Mana Jirto wax Somaliland La yidhaahdo Dalkiina Waa Lagu Kala Tegey Ciidamadii Qaranka Somaliland Waxay Galeen Puntland IWM,  Iyo waxyaabo Kale Oo La Yaab leh,

”  Haddaba Akhriso Warqaddan Waatan Iyada oo Ku Qoran English, taasi Waxay Ku Tusaysaa Inay Yihiin Qaran Dumis Waxaanay Waxyeelo Ku Tahay Xisbiga WADANI Ee Ay Sheegeen In At Ka tirsan yihiin.Waana Yaabkii Ugu Weynaa Ee Ina Soo Mara, Qofka Xumaanta Ka Shaqeeyaa Waxa uu ka Helaya Hoostiisa Gondihiisa Waana Ceeb In dadka Iyo Dalka Curdinka Ah Lugta La Jiido.

fadexa

Ahmed Husen Nuur

Nuurh121@hotmail.com

COMMENTS
Latest News