qorilugudnews24.com
Qaramada Midoobey Oo Amar Dul-Dhigay Shaqaalahooda Ka Hawl-Gala Xafiiska UNSOM Ee Magaalada Muqdisho, Loona Sheegay In Aanay Tegin Ama Ay Yareeyaan Socdaalkooda Somalia.
January 8, 2019 - Written by qoriadmin

Nairobi-(QorilugudNews24)-Wararka Soo Baxaya Ayaa Sheegaya In Qaramada Midoobey Ay Amar Ku Soo Rogtay Masuuliyiinta Iyo Shaqaalaha Ka Hawl-Gala Xafiiska UNSOM Ee Magaalada Muqdisho, Iyada Oo Fariimo Loo Diray Lagu Sheegay In Aanay Tegin Magaalada Muqdisho Ama Ay Yareeyaan Socdalkooda.

Go’aanka UN-ka Ayaa Sabab Looga Dhigay Xaaladda Amniga Magaalada Muqdisho, Kadib Markii Weerar Hoobiyeyaal Ah Lagu Qaaday Xafiisyada UN-ka Ee Magaalada Muqdisho 1-dii Janaayo 2019, Waxaana la sheegay in xubno ka tirsan Xafiiska UNSOM oo Muqdisho iman lahaa Maanta oo Isniin Ah laga Joojiyey.

Shaqaalaha Iyo Masuuliyiinta UNSOM Ayaa Ku Sii Shaqayn Doona Magaalada Nairobi, Iyada Oo Tegistooda Muqdisho La Yareeyay Sida Ay Sheegeyso Wargelin Ka Timid Madaxda Fadhida Magaalada New York Oo La Siiyey Shaqaalaha Iyo Masuuliyiinta Xafiiska UNSOM Ee Muqdisho.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News