qorilugudnews24.com
Halkan Ka Daawo Puntland Oo Maanta Madaxweyne U Dooratay Md. Siciid Cabdillaahi Deni Iyo Musharaxii Taliska Villa Somalia Uu Watey Oo Afka Ciida Loo Daray.
January 9, 2019 - Written by qoriadmin

 

Kuvahaun tulos haulle Madaxweyne Deni

Garoowe-(QorilugudNews24)-Reer Puntland Ayaa Maanta Madaxweyne U Dooratay Md. Siciid Cabdillaahi Deni Iyo Musharaxii Taliska Villa Somalia Uu Watey Oo Afka Ciida Loo Daray.

Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Md. Siciid Cabdillahi Deni Oo Kooban.

Siciid Cabdillaahi Deni, Waa 53jir ku dhashay Magaalada  Muqdisho Ee Xarunta Somalia.

1980-kii ilaa 1984-kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee Magaalada Muqdisho, halka 1986-dii ilaa 1990-kii uu Jaamacaddii Ummadda ka Diyaariyey Kulliyadda Luuqadaha.

1998 illaa 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, Takhasuska Maamulka (Master Of Management).

Siciid Cabdillaahi Deni wuxuu soo noqday Xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Sannadkii 2012-kii.

Sannadkii 2014-kii wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sannadkii 2017, Siciid Deni wuxuu ka mid ahaa Musharaxiintii U Taagneyd Doorashadii Madaxweynenimada Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, isaga oo ka mid ahaa 6-dii musharax ee ugu Codadka badnaa.

Hambalyo Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdilaahi deni

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News