qorilugudnews24.com
Dawladda UK Oo Ku Soo Biirtay Dawladdo Doonaya In Ay Saldhigyo Military Ka Furtaan Somaliland.
January 10, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wargeyska DailyNation Ee Ka Soo Baxa Dalka Kenya Ayaa Maanta Qoray In Dawladda UK Ay Ku Soo Biirtay Dalalka Imaraadka Carabta Oo Saldhig Military Ka Samaysanaya Berbera Iyo Ruushka Oo Naawilaya In Uu Saldhig Ka Samaysto Saylac.

Warkaasi oo Wakaallada Wararka Ee Somaliland ka soo xigatay Daily Nation, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson uu Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kula kulmay Hargeysa ay ka wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Safaarradda Somaliland ku leedahay Nairobi may beenin, mana ay xaqiijin in UK doonayso inay saldhig millatari ka sameysato Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya, Amb. Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku faraxsan yahay Booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhigga Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in socdaalkaasi sii xoojinayo dedaalka ay Somaliland ku raadinayso Aqoonsi Caalamiya.

Waxa kaloo uu danjire Baashe Cawil sheegay in socdaalkii Xoghaye Gavin Williamson uu Tusmaynayo In Bulshada Caalamku Ay Garwaaqsatay Muhiimada Somaliland.

Booqashada uu Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK ku yimid Somaliland waxay ku soo beegantay Toddobaad kadib, Markii uu iclaamiyey in Ingiriisku doonayo Inay Saldhigyo Military Ka Sameystaan Adduunka, Marka Ay Ka Baxaan Midowga Yurub  Kadib, Waxaanu Wargeyska DailyNation ku Waramay in socdaalkan loo arkay inay suurtogal tahay in Xoghayuhu kala hadlay Somaliland sidii ay UK uga sameysan lahayd saldhig Military.

War-siduhu wuxuu intaas ku daray in Gavin Williamson, oo Toddobaadkii hore booqday ciidamada UK ee ku sugan Kenya, uu xaqiijiyey in ka bixitaanka Midowga Yurub uu UK U Ogolaanayo inay bedelaan Siyaasaddii Lixdamaadkii ee ay kaga baxeen Dalalka.
Warka Daily Nation daabacday waxa lagu sheegay in Saldhiggii Millatari ee Imaraadku ka hirgelinayey Magaalada Berbera Ee Somaliland Uu Dhammaan Doono Bisha June Ee Sannadkan.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News