qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Dalka Sacuudiga Oo Weli Tacaalaya Jiriqaa Madow Oo Ku Degey Masjidka Xaramka Ee Maka Al-Mukarama.
January 10, 2019 - Written by qoriadmin

Maka Al-Makarama-(QorilugudNews24)-Maamulka Magaalada Barakaysan Ee Makka Al-Mukarama Iyo Guddida Maamusha Masaajidka Barakaysan Ee Xaramka Ayaa Bayaan Wada Jir Ah Oo Ay Soo Saareen Waxa Ay Ku Sheegeen In Ay Meel Wanaagsan Marinayaan Dagaalkii Ay Kula Jireen Xasharaadka Madow Ee Maalmihii Ugu Dambeeyey Sida Weyn Ugu Habsadey Guud Ahaan Magaalada Maka Al-Mukarama Iyo Gaar Ahaan Masaajidka Weyn Ee Xurmada Leh.
Maalmihii Ugu Dambeeyey Waxa Baraha Bulshada La Soo Geliyey Muuqaallo Tilmaamaya Kooxaha Nadaafadda Iyo La Dagaalanka Cayayaanka Oo Dagaal Ba’an Kula Jira Jiriqaa Madow Oo Ku Habsadey Masaajidka Barakaysan Ee Xaramka Iyo Agagaarkiisa Kaasi Oo Meel Walba Fuulay Oo Sida Koronkorta Is Dul Tuurmey Argagaxna Ku Abuuray Dadka Cimrada U Yimid Masaajidka Iyo Kuwa Salaadaha Caadiga Ahba Ku Tukanaayey.

Waxaanay Maamulka Magaalada Makka Al-Mukarrama Iyo Weliba Maamulka Masaajidada Xurmada Leh Ay Sheegeen In Ay Buufiyeen Malaayiin Xasharaadkaasi Jiriqaaga Ah Ee Madow Oo Ay Wakhtigan Ku Hawlan Yihiin Sidii Ay Bakhtigiisa Uga Guri Lahaayeen Gidaarada Masaajidka, Barxadda Kacbada Ee Loo Yaqaano Saxanka Kacbada Oo Ah Halka Ay Ku Dawaafaan Xujaajta Iyo Dadka Cimraysanayaa Iyo Weliab Barxadda Daaradda Ee Hareeraha Masaajidak Xurmada Leh.


Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News