qorilugudnews24.com
Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Dhex Qaraxday Maamulka Villa Somalia Iyo UK Iyo UK Oo Joojisey Safar Uu Muqdisho Ku Tegi Lahaa Wasiirkeeda Difaaca .
January 11, 2019 - Written by qoriadmin

London-(QorilugudNews24)-Wargeyska The Independent Ee Ka Soo Baxa London Ayaa Qoray In Xiisad Siyaasaddeed Oo Xooggan Ay Ka Dhex Oogan Tahay Dawladdaha Soomaaliya Iyo UK.

Wargeyska Ayaa Sheegay In Go’aankii Ay Dawladda Soomaaliya Ku Caydhisay Wakiilkii QM Ee Soomaaliya Nicholas Haysom Uu Sababay In UK Ay Joojiso Safar La Qorsheeyey In Wasiirka Difaaca Ee dalkaasi Gavin Williamson Uu Ku Tego Magaalada Muqdisho.

Wargeyska waxa uu sheegay in Williamson uu la kulmi lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dawladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas Iyada oo u Muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn Go’aanka lagu Caydhiyey Haysom.

Williamson Ayaa Taas Beddelkeeda Booqday Magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kula Kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Britain ayaa Golaha Ammaanka ee QM hor-dhigtay bayaan Sabtidii la isku raacay oo Goluhu uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka dawladda Soomaaliya ay ku caydhisay Haysom.

Wargeyska waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya aysan wax fal-celin ah ka sameyn Bayaanka UK ee Golaha Ammaanka iyo joojintii Safarkii la Qorsheeyey in uu Williamson ku Tago Magaalada Muqdisho.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News