qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Dagaal Beeleed Mar Kale Ka Qarxay Deegaano Ka Tirsan Degmada Buuhoodle Ee Gobolka Toghdheer, Dagaalkaas Oo U Dhexeeya Beelaha Hayaag Iyo Reer Hagar.
January 13, 2019 - Written by qoriadmin

Buuhoodle-(QorilugudNews24)-Dagaal Beeleed Ayaa Mar Kale Ka Dhex Qarxay Beelaha Hayaag Iyo Reer Hagar, Dagaalkaas Oo Sida La Xaqiijiyey Hadda Ka Socda Balliga Gocondhaale Ee Degmada Buuhoodle, Kaas Oo Markii Dambena Ku Faafay Gudaha Degmada Buuhoodle Iyo Deegaanada Kale Ee Ku Xeeran.
Dagaalkaas Oo Markii Hore Ka Bilowday Balliga Gocondhaale, Ayaa Sida La Xaqiijiyey Waxa Uu Ku Baahay Gudaha Magaalada buhuudle, Halkaas Oo Uu Hadda Ka Socdo Dagaal Xooggani.

Dagaalkan Ayaa Inta La Xaqiijiyay Waxa Ku Naf-Waayey 1 Qof, Halka Ay 5 Kalena Ku Dhaawacantay, Kuwaas Oo Isugu Jira Dhinacyadii Ay Dirirtu U Dhexeysey.
Wararka Kale Ee Aanu Helayno Ayaa Sheegaya In Uu Dagaalkani U Dhexeeyo Labada Beelood Ee Hayaag Iyo Reer Hagar, Kuwaas Oo Uu Dagaalkoodu In Badan Soo NoqNoqday.

Kala Soco Wararkayaga Dambe Wixii Warar Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News