qorilugudnews24.com
Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump Oo Ku Hanjabey In Uu Burburin Doono Dhaqaalaha Waddankaasi Turkiga.
January 14, 2019 - Written by qoriadmin

Washington-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump Ayaa Ku Goodiyey In Uu Burburin Doono Dhaqaalaha Dalka Turkiga Waa Haddii UuTurkigu Weerar Ku Qaado Xoggagga Kurdiyiinta Ee Ka Dagaalama Dalka Suuriya, Kaddib Markii Uu Maraykanku Bilaabay Qorshe Uu Ciidamadiisa Kaga Soo Saarayo Dalkaasi Suuriya.

Qoraal Uu Bartiisa Twitter-ka Ku Soo Qoray Madaxweyne Trump Ayaa Waxa Uu Ku Sheegay In Aanu Doonaynin In Kooxda Kurdiyiinta Ee Xukuumadda Ankara Ay U Aqoonsan Tahay Argagixisada In Aanay Daandaasan Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Ayaa Si Cadho Leh Uga Jawaabey Tageerada Maraykanka Ee Kooxda Kurdiyiinta, Wuxuuna Ballan-Qaaday In Uu Cagta Marin Doono Maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Amiir Sare Oo Ka Tirsan Qoyska Boqortooyada Sucuudiga, Turki Al- Faysal Ayaa BBC U Sheegay in haddii uu Maraykanku kala soo baxo Ciidamadiisa Dalkaasi Suuriya Ay Dani Ugu Jirto Dalalka Iran, Ruushka, Turkiga, Suuriya Iyo Bashaar Al-Asad.

Amiir Turki Al-Faysal Oo Ka Soo Horjeestey In Ciidamada Maraykanku Ay Ka Baxaan Suuriya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Dalka Maraykanka Mr. Mike Pompeo ayaa booqasho ku maraya Dalalka Bariga dhexe, Waxaanu Uu Hadda Joogaa Caasimadda Sucuudiga Ee Riyadh Si Uu U Xoojiyo Xulufada Maraykanka Ee Gobolka.

Source:-BBC

COMMENTS
Latest News