qorilugudnews24.com
Turkiga Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabey Hanjabaaddii Uga Timi Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump.
January 14, 2019 - Written by qoriadmin

Ankara-(QorilugudNews24)-Turkiga Ayaa Si Cadho Leh Uga Jawaabey Hanjabaadda Madaxweyne Donald Trump Ee Ahayd In Uu Burburin Doono Dhaqaalaha Turkiga, Waa Haddii Uu Turkigu Weeraro Xoggagga Kurdiyiinta Ee Ka Dagaalama Dalkaasi Suuriya. Maraykanka Ayaa Qorshaynaya In Uu Ciidamadiisa Ka Joogo Suuriya Uu Halkaasi Kala Soo Baxo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Turkiga Mevlut Cavusoglu Ayaa sheegay in hadalka Trump Ay Muujinayso Cadaadiska Saaran Trump Ee Uu Ka Wajahayo Dalkiisa.

Wuxuu sheegay in Aanay habooneyn in Xidhiidhka Saaxibtinmo ee ka dhexeeya Turkiga iyo Maraykanka Lagaga Hadlo Baraha Bulshada.

Ibraahim Kalin oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Regep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay filayaan in Maraykanka uu qaderiyo Saaxibtinimada ka dhexeysa ee dhanka Iskaashiga Gobolka.

Qoraallo is xig-xigey uu barta Twitter-ka ku soo qoray Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in booqashada Xoghayaha arrimaha dibedda uu ku marayo Gobolka Bariga dhexe ay Aag Nabdoon U Abuureyso Maleeshiyaadka Kurdiyiinta si aan Weerar Loogu Qaadin.

Maraykanka Wuxuu Maleeshiyaadka Kurdiyiinta Ugu Baaqay In Aanay Dandaansanin Turkiga.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News