qorilugudnews24.com
Boqor Buurmadow Haddii Uu Yidhi Xisbigii UDUB Boorame Iyo Galbeed Ayuu Ku Dhintay, Kulmiye Oo Hadda Lagu Sii Wadana Ka Daaya Yidhi, Ma Deyrkii Maka Ayuu Gubey, Maxaa Rag Iyo Haweenba Ka Qaylisiiyey Huunadii?.
January 22, 2019 - Written by qoriadmin

Boqor Buurmadow Haddii Uu Yidhi Xisbigii Udub Boorame Iyo Galbeed Ayuu Ku Dhintay, Kulmiye Oo Hadda Lagu Sii Wadana Ka Daaya Yidhi, Ma Deyrkii Maka Ayuu Gubey, Maxaa Rag Iyo Haweenba Ka Qaylisiiyey Huunadii?……

Burco-(QorilugudNews24)-Dhawaan Ayey Uun Ahayd Markii Uu Boqorka Geeska Africa Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow Oo Ka Hadlaayey Xaflad Lagu Caleemo-Saaraayey Mid Ka Mid Ah Madax-Dhaqameedka Beelaha Deegaanka Degmada Gebiley Ee Galbeedka Somaliland Uu Ka Sheegay In Xisbigii Hore Ee UDUB Uu Ku Dhintay Degmada Boorame Ee Gobolka Awdal Iyo Galbeed, Sidoo Kalena Uu Ka Digey In Halkaas Loo Raro Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye, Iyada Oo Ay Durba Soo Baxayaan Walaac Xooggan Oo Laga Muujiyey Shirka Xisbiga Kulmiye Ee Boorame Lagu Sii Waddo Iyo Galbeedka Fog Ee Somaliland, Shirkaas Oo La Sheegay In Ay Ku Hoos Jiraan Ujeedooyin Badan Oo Dhagaraysan, Kuwaas Oo Soo Dedejin Kara Burburkii Iyo Kala Yaacii Xisbiga Kulmiye.

Haddaba Tan Iyo Intii Uu Boqorku Hadalkaas Sheegay Waxa Soo Baxayey, Masuuliyiin, Salaadiin, Dhallinyaro Iyo Haween Iyo Dad Badan Oo Wax Ma Garato Ah, Kuwaas Oo Saxaafadda La Soo Hor Fadhistay Dhaliilo Madhaleys Ah Hadallo Naxli Huwan Oo Boqorka Loo Soo Jeedinaayey, Kuwaas Oo Aan Weli Helin Jawaabtii Ku Haboonayd, In kasta Oo Aanay Istaahilin In Loo Jawaabo.

Ugu Dambayn, Waxa Aan Anigu Leeyahay”Boqor Buurmadow Haddii Uu Yidhi Xisbigii UDUB Boorame Iyo Galbeed Buu Ku Dhintay, Kulmiye Oo Hadda Lagu Sii Wadana Ka Daaya Yidhi, Ma Deyrkii Maka Ayuu Gubey, Maxaa Rag Iyo Haweenba Ka Qaylisiiyey Huunadii”?.

Faalladduna Waa Idinka Xaggiina Saaxiibayaal.
By: Cabdale Nayruush Negeeye.
Burco/Somaliland.

COMMENTS
Latest News