qorilugudnews24.com
Wax Ka Ogow Sirta Ku Duugan Barnaamijka Baadi-Goob Iyo Cidda Maal-Gelisey Ee Ka Dambeysa??.
February 4, 2019 - Written by qoriadmin

Qahira-(QorilugudNews24)-Waxaan Daawaday Barnaamijka La Magac Baxay ”Baadi-Goob” Oo Laga Sii Daayey Baraha Ay Bulshadu Ku Kulanto, Gaar Ahaan Kuwa Sida Weyn U Taageera Xukuumadda Nabad Iyo Nolol Ee Ka Dhisan Villa Somalia, Kaas Oo Uu Daadihinayey Wariye Cabdirisaaq Terra .

Barnaamijyada Noocan Ah Waxaa Baadha Investagtion Journalist Waxaanu Baadhistiisu Socotaa Billo iyo Sannado Iyada oo Daaha Lagaga Rogayo Dambiyo Dhacay (Crimes) Iyo MusuqMaasuq Siyaasadeed, (Political Corruption) Iyo Sidoo Kale Sharciga Oo Lagu Tunto.

Barnaamijka Baadi-goob Sidaan Xog Ku Maqlay Waxaa Lagu Sameeyey Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Qaybta U Qaabilsan Dacaayadaha Iyo Warbaahinta (Media Propaganda) Waxaana Laga Leeyahay Dano Siyaasaddeed Oo La Rabo In Siyaasiyiinta Ay Madaxweyne Farmaajo Siyaasadda Isku Hayaan Sumcada Lagaga Dillo Intaan La Gaadhin Doorashayooyinka Soomaliya Ka Dhici Doonta Sannada 2021-ka.

Weriyaha Barnaamijka Loo Dhiibey Ee Weriye Terra Oo Xilligan Ku Sugan Dalka Turkiga Sida Ay Wararka Dalkaa Ka Imanayaa Sheegayaan Ayaa Waxa Uu Rabaa Inuu Iska Dhiibo Safaaradda Dawladda Canada Ee Ay Ku Leedahay Magaalada Istanbul Isaga Oo Dalbanaya Magan Gellyo Qaxoontinimo (Asylum Seeker).

Qolada Ka Talisa Villa Soomaliya Ee Nabad Iyo Nolol Oo Lagu Xanto Qurbo-Joog (Say Walaahay Ah) Ayaa Waxay Inta Badan Lacago Xad Dhaaf Ah Ku Qarash Gareeyaan Warbaahinta Iyaga Taageerta, Sida Warbaahinta Baraha Ay Bulshadu Ku Kulanto Ee Social Media Oo Door Muuqata Ku Leh Fekerka Ummaddaha Tanyo Kacdoonadii Gu’aga Carabta.

By: Cabdi Yaasiin Yool.
Free Free License Journalists.

COMMENTS
Latest News