qorilugudnews24.com
Budhcad Ahaan Ayaanu Ula Mucaamili Doonaa Kalluumaysatada Shiinaha Iyo Cid Kasta Oo Lagu Qabto Xeebaha Somaliland”.
February 8, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Shaacisay In Aanay  Xeebaha Dalka Iman Karin 27 Markab Oo Shiine Ah Oo Ay Dawladda Dhiidka Ah Ee Soomaaliya siisay Ruqsado Kalluumaysi.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa soo xigatay Shabakadda Ghana Modern oo fallanqeysa  Arrimaha Africa, oo maanta daabacday  Xukuumadda  Somaliland oo Mawqif adag iska taagtay in xeebta JSL ay soo galaan kalluumaysatada sharci darrad ah ee Soomaaliya ka sita waraaqaha ogolaanshaha.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tilmaamay in  Somaliland ay si joogto ah u ilaaliso xeebaheeda islamarkaana u difaaci doonto  xudduudaheeda.

Wasiirku Wuxuu  Ku Dhawaaqay In Ay Ula Macaamili Doonaan Budhcad-Baddeed Ahaan Kalluumaysatada Shiinaha Iyo Cid Kasta Oo Lagu Qabto Iyada Oo  Si Sharci Darro Ah Uga Kalluumaysata Xeebaha Somaliland, (The Minister Said That Somaliland Regularly Patrols Its Coast, And Will Defend Its Territorial Integrity.“We Will Treat Them [The Chinese] As Pirates, As illegal Fishing, For Whoever Is Caught In Somaliland Waters,” Said Hassan Mohamed Ali, Somaliland Minister Of Livestock And Fisheries).

Siday Werisey Ghana Modern, Waxaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu Xaqiijiyey In Aanay Xeebaha Somaliland Ku Arag Kalluumaysato Sharci Darro Ah Oo Shiine Ah, Hase Yeeshee Ay Arkaan Keliya Doonyo Kalluumaysi Oo Laga Leeyahay Dalka Yemen.

Wasiir Xasan Gaafaadhi wuxuu  intaas ku daray  inay dalka ka hirgeliyeen Lix Goobood oo la dhigay qaboojiyeyaal loogu Tallo-Galay in Ay Kalluumaysatadu ku keydsadaan Kalluunka ay soo jilaabtaan.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu wuxuu Carabka ku dhuftay in Kalluunku uu yahay khayraadka keliya ee Somaliland leedahay, maadaama oo Abaaraha iyo Isbedelka Cimiladu Ay Saameeyeen  Xoolihii Noolaa.

“Waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno Kalluunku,”ayuu yidhi Wasiir Xasan oo intaas ku daray “Haddii Abaaraha iyo Isbedelka Cimiladu  ay sii kordhaan waxay saameynayaan Xoolaha Nool, sidaas awgeed waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno Kalluunku,  waana in Aanu Ilaashano oo  Aanu Si Wax Ku Ool Ah U Nidaamsanaa Hannaanka Kalluumaysiga.”

Isha Ku Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News