qorilugudnews24.com
Maxaa U Sabab Ah Burburka Dhaqaale Ee Soo Wajahay Magaalada Burco Iyo Guud Ahaanba Gobolka Togdheer.
February 10, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QoriligudNews24)-Meel Loo Hiiliyo Waxa Ugu Abaal-Darran Magaalada Burco. Hore Ayaan Anigu Ugu Khasaaray Marar Aan Qalin Iyo Af Ugu Sameeyey Hiil.
Xalay Ayaa Ugu dambaysay oo markii Uu Xoghaye Khadar iftiimiyey Dhaqaale-Ahaan Heerka Uu Taagan Yahay Gobolka Togdheer, Kaas Oo Ka Hadhay Gobollada Kale Ee Galbeedka Somaliland, wax afka iskaga duubay Xil. Obama!, Obama waxa uu la soo boodey ‘Laamiga Isku Xidha Magaalooyinka Ceerigaabo Iyo Burco’ Kaas oo uu ku sheegay in uu yahay Mashruucii ugu ballaadhnaa ee abid laga hirgeliyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Burco waa magaalo hagaastay! 1990kii waxa lagu murmi jiray, Burco waa magaalada sadexaad ee Soomaaliya, maanta Burco kuma jirto 6-da Magaalo ee ugu dadka badan Ex-Somalia. Waxa ayna 18-kii Magaalo-Caasimadeed ee Soomaalia, dhaqaale ahaan ka geleysaa Kaalinta 17aad ama 18aad!, Haddaba Maxaa sababay Burburka Dhaqaale Ee Magaalada Burco.

Burco waxa ay gashay gafkii ugu waynaa 1991kii markii si bilaa shuruud ah, Hargaysa ay la qaadatay in ay wada dhistaan dawlad la yidhaa Somaliland.
1991-kii baloodhka ku yaala Laba-qaw – Burco, waxa uu ka qaalisanaa degmada koodbuur oo la isku daray, Maanta dhulka uu ku Yaalo Dugsiga Sheekh Bashiir – Hargaysa, ayaa ka qiimo badan Burco oo la isku wada Daray Badhkeed.

Heshiiskii Burco waxa uu ahaa heshiis indho la’aan ah oo ay ka faa’idaystay Xaafaddo ka mid Ah Hargaysa. Hargaysa ayaa 30-kii Sanno ee midawga iyadu lumisay Qiimihii Caasimadnimo, Hargaysa waxa ay Ingiriiska ka heli jirtey dhac-dhac dhaqaale iyo shaqo-abuur Maamul oo wakhtigii Maxmiyadda ay Hargaysi door Libaax ka heli jirtEy. Waana sababta ugu weyn ee ay Herer u diidey Midnimadii Soomaaliya.

Xaafado ka mida Hargaysa waxa ay Siyaad Barre ulla dagalameen in ay soo Ceshadaan Caasimadnimadii. Macaashkii Midhaahaana, waa kuwaa guranaya 27-kii sanno ee ay jirtey Somaliland. Burco nasiib-darro ma ay fahansanayn danaha dhaqaale ee dhex maray Hargaysa iyo Xamar. Waxa ayna khaladkii Hargaysi samaysay 196-kii mid ka xun Ka Ay Burco samaysay 1991-kii markii ay si bilaa shuruud ah ugu Biireen Hargaysa.

Gabood-falka ugu culus ee Togdheer loo geystey ayaa dhacay 1998-kii, Sannadkaas Oo albaabadda loo xidhay Suuqii ugu weynaa ee ka furnaa Gobolka Togdheer – Yiroowe.
Yiroowe waxa uu ahaa xuddun kulmisa Soomaalida Ethiopia, kuwa konfurta iyo Somaliland.

Dad badan oo dhashay wixii ka dambeyey Yiroowe iyo kuwo wakhtigaaba noolaa, waxa aysan wali fahansanayn halka uu ka ciiray dhaqaalihii Togdheer. Si aad u fahantid khasaara gaadhay Togdheer aan kula wadaago wixii aan kusoo arkay Banka Giryaad:

Banka Giriyaad waa lama-dagaan u eeke dhaca waqooyiga Awdal, waxa aad galaysaa Giriyaad marka aad kasoo baxdid Jabouti. Habeen anaka oo safar ah, ayaa uu gaadhi nagaga jabay Giriyaad badhtankiisa. Gaadhiga waxa waday darawal u dhashay Balli-Gubadle. Xoogaa meeshii markii aanu joognay, ayaa waxa nagu soo jabay baabuur sida daadka u soconaya oo kasoo shiraaqday Jabouti. Babuurtaasi waxa ay wadeen xamuuul xad dhaaf ah oo kasoo dagay dekeda Jabouti. Waxa ay ku socdeen Wajaalle.

Darawalkii ayaan waydiiyey “waar niyow sababta wajaale u noqotay sayladda, waxa weeye jabouti baa ay wax uga soo dagaan?” waxa aan u raaciyey “Togdheer hadaanu nahay, waxa aannaan haysan Jabouti oo kale” Darawalkii oo ahaa khabiir in badan u kala gooshay dhulka Soomaalida, waxa uu igu yidhi “waad lahaan jirteen jabouti oo kale lakiin, watii laydinka xidhay” waxa aan ku idhi oo halkee ayaa ay ahayd jabouti-dayadu? “Bossasso”.

2014-kii ayaa ay ahayd wakhtigaasi waana markii aan helay jawaabta su’aashii Maskaxdayda ka guuxaysay 16ka sano. Maxaa sababay hoos u dhaca dhaqaale ee Togdheer? Hargaysa waxa ay gelisey Burco godoomin la mida ta lagu hayo Marinka QAZA, Burco iyo Qaza waxa marar badan xoriyad badan Qaza.

Ina Cigaal ayuu ahaa Madaxwaynihii Mamnuucay in Bossaaso wax lagala soo dego!, Bebera wuu ogaa in aysan ku filnayn Somaliland sababtoo ah, waxa xadidnaa Wiishashka Marakiibta ka roga rarka ee yaalay Berbera, taas bedelkeeda Hargaysa waxa ay Doorbideen Jabouti in ay noqoto dekedda Labaad ee Somaliland.

Markii la mamnuucay adeeggii ka iman jiray Bossasso, waxa istaagey safaradii ka iman jirey koofurta ee ku xidhnaa Gobolka Togdheer iyo kuwii ka iman jirEy Ethiopia.
Sannadahaa uu bilaabmay hoos u dhaca dhaqaale ee Togdheer waxa Uu La Kowsadey Tahriibtii ugu badnayd ee abid Soomaali ku dhacda Sannadkii 2002 ilaa iyo hadda shacabka ka qaxay Togdheer tiro laguma sheegi karo. Waxana hubaal ah dadka Burco uu dhashay ee ku dhintay Badda Libiya iyo Saxaruhu in ay ka badan yihiin dadkii uu Siyaad Barre ka laayey Burco.

Burco waa ninkeed cuna, ninka u sheega danteeda, iyaga ayaa markaba xabadda ku dhufanaya! Waxa se xaqiiq ah, Burco in ay gaf wayn samaysay markii ay Hargaysa isu dhiibtay bilaa shuruud. Dadka qaar ayaa ku doodda Burco iyo Hargaysa waa walaalo, haba ahaadaana quraanka waxa aynu ku haynaa qisooyin macangag-nimo xambaarsan oo ka dhaca dadka walalaha ah dhexdooda sida: Yusuf dhibkii uu kala kulmay walaalaldii iyo dhacdadii Qabiil iyo Habiiil.

1960-kii Markii lagu biirayey Konfurta Soomaaliya, waxa jiray siyaasi u dhashay Burco oo ku dooday “Intii Inanta Togdheer ay Hargeysa Marti ku noqon lahayd, Inanta Waqooyi Marti Haku Noqoto Xamar”. Aragtidaas waa mid xaqiiqadeedii muuqato maanta sababta oo ah, qaybo ka tirsan Hargaysi ma ogolo dadka kale in ay madaxa la kacaan.

Burco waa kaamka ugu wayn ee maanta ay ku xaraysan yihiin dad bilaa camal ah, gabi ahaanna dadka magaaladda ku nool waxa laga masruufaa qurbaha. Wax kale iibsiga Burco bishii oo dhan marka la isku daro waa uu ka yar yahay wax kale iibsiga ka dhaca Hotel Gulleed ilaa Maansoor Maalintii! Sidaa si la mida Magalada Ceeri ayaa lagu qiyasaa Maalintii gebigeedaba wax ka yar $10 Kun Oo Dollar oo wax kala iibsi ah, in ay ka dhacaan. Waa Maalintii lacagta soo gasha Hotel Ambassador.

424 oo ahaa furaha raqamka ay wadan jireen Shaqaalihii Dawladdii Siilaayo, ayaa ahaa raqamyada ugu badan ee wax lagaga iibsado Hargeysa, taasina waxa ay ku tusaysaa Dawladdu in ay tahay shaqo bixiyaha ugu weyn ee ka jira JSL sidaa oo ay tahay shaqaalaha dawladda ee saddexda gobol ee bariga waxa ka badan Xaafad ka tirsan Degmeda 26-ka June.

Qaadka Burco lagu cuno waxa lagu cashuuraa Kala-baydh waana mamnuuc qaadkaasi in uu ka soo boodo Balli-Dhiig ama Balli-Gubadle. Saylac waa kastamka 3aad ee waddanka. 0.8% in ay Togdheer ku yeelato wax-soo-saarka waddanka waxa ay ku tusaysaa sida handaraabka loogu xidhay Barriga Somaliland. Waxa aynu sugnaaba waa 100 kun oo qof oo ka bara baxa Togdheer.

Kuvahaun tulos haulle burco photoQalinkii:- Axmed-Xiis Dharbaan.

COMMENTS
Latest News