Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Xildhibaanada Aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi oo sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo in ay Raali-Gelin ka bixiso Hadalkaasi.

Trump Ayaa Sheegay In Yuhuud Nacaybka Aanu Meelna Uga Banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tidhi waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska Casisho Aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada Guddida arrimaha dibedda ee Aqalkaasi,” Ayuu Yidhi Trump.

Waxaa kale oo uu sheegay in raali-gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid Daciif ah, Waxa Kale Oo uu intaas raaciyEy in hadalka ka soo yeedhay Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u Aaminsan tahay.

Haddaba halkee iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Trump?

Xilligii uu Madaxweyne Trump ku jirey Ololaha Doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yidhi Soomaalida ku nool Maraykanka oo ahaa in falal Argagixiso ay ku soo kordhiyeen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida.

Waxaa kale oo aad loo xusuusta hadal caan baxay oo ay tidhi Ilhaan oo ahaa in dadka Minnesota Aaney soo dhaweynin Qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedey Doorashadeedii Maadaama Oo ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay.

Markii la dhaariyay lhaan Cumar ayaa waxay farta ku fiiqday arrimo ay ka mid yihiin taageerada Trump uu siiyo dawladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo Xulafada Uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

.

Image caption Ilhaan Cumar

Fursad kaste waxay ku weerari jirtay Trump

Tan iyo markii la soo doortay Ilhaan Cumar, waxay fursad kasta oo soo marta u adeegsatay inay weerarto siyaasadaha Donald Trump, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa markii ay ka hadashay hakadkii ku yimid adeegyada dawladda kadib markii madaxweyne Trump uu aqalka Kongreska ka dalbaday dhaqaale lagu dhisayo derbiga xadka Maraykanka iyo Mexico, si uu u ansixiyo dhaqaalaha lagu kala wadayo Adeegyada Dawladda.

Ilhaan ayaa arrintaasi si weyn uga soo horjeesatey, waxayna billowday olole looga hortagayo qorshaha madaxweyne Trump.

Sidoo kale Ilhaan ayaa kasoo horjeesatey qaabka madaxweyne Donald Trump uu ula macaamilayo dawladda Venazuela, waxayna sheegtay in cunaqabateynta dhaqaale ee Trump ay tahay mid uu doonayo in uu uga faa’iideysto isbedel dhan ka Ah Hoggaanka oo ka dhaca dalka Venazuela, waxa Kale Oo ay ka digtey tallaabo Military oo ka dhan ah dawladda madaxweyne Nicholas Maduro.

Ilhaan Cumar waxa kale oo ay soo jeedisay in canshuur dhan boqolkiiba 70 laga qaado maal-qabeenada Maraykanka, Maadaama madaxweyne Trump la aaminsan yahay in uu ka shaqeeyo Danaha Ganacsatada Waaweyn ee Mareykanka.

Ilhaan waxaa kale oo la rumaysan yahay inay aad uga soo horjeedo qaabka Isra’iil ay ula dhaqanto Falastiin, waxaana mar ay twitter-keedu ku soo qortay in Illaahay uu dadka tuso dhibaatooyinka Isra’iil ay ku hayso Qaza.

Mar ay la hadleesey Telefishenka MSNBC, Ilhaan waxay aad ugu dheeraatay dabeecadaha Trump, iyada Oo sheegtay in marka la eego Cadeymaha isa soo taraya ay muujinayso in madaxweyne Trump uu ku lug leeyahay falal dembiyeedyo.

.

Image captionIlhan Cumar ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee qaxooti ah, kana mid noqota aqalka Kongreska

Ficillada Qaar ee Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka Cadhaysiiyey Xulafada Madaxweyne Trump oo Sacuudiga uu ka mid yahay.

Warbaahinta Dawladda Sacuudiga ayaa weerar dhanka Saxaafadda ah Ay ku qaadeen Ilhaan Cumar, Maadaama ay ka soo horjeedsatay Siyaasaddaha Madaxweyne Trump.

Bishii Disembar ee Sannadkii tegey, Telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo Iyana ka tirsan Aqalka Kongreska inay qayb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya Xisbiga Dimuqraadiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayeen inay la wareegaan Maamulka Aqalka Koongareska.

Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyey inay yihiin “dad ka soo hor jeeda Madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibedda ee ku aaddan cunaqabataynta Iran, Xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasaddeed ee islaamiga ah”.

Waxaa kale oo jirta aragti aad u xoog badan oo ah in dalalka Sacuudiga, Israel iyo Maraykanka oo waxyaabo badan isku aragti ka ah aysan la dhacsanayn qaabka Ilhaan ay uga soo horjeedo Siyaasadaha Trump, arrintan Ilhaan Cumar ay ku dhaqaaqday na ay fursad u siinayso in Madaxweyne Trump uu cadaadis ku saaro inay Ilhan iscasisho ama ay isaga baxdo guddida arrimaha dibedda ee Kongreska madaama arrimahaasi oo dhana ay taabanayaan siyaasaddaha Arrimaha dibedda.

Xigasho /BBC Somali