qorilugudnews24.com
Halkani Waa Meeshii Lagu Aasay Boqorkii Ugu Horeeyey Ee Dunida Muslimka, Kaas Oo Ahaa Boqorkii Cadaaladda Badnaa Ee Boqor Negashi, Isla Markaana Ay U Hijroodeen Qaar Ka Mid Ah Asxaabtii Nebi Mohammed NNKH.
February 22, 2019 - Written by qoriadmin

Mekele-(QorilugudNews24)-Waxaa Halkan Ku Aasan Boqor Negashi Oo Ahaa Boqorkii Ay Qaar Ka Mid Ah Asxaabtii Nebi Maxammed NNKH U Hijroodeen, Isaga Oo Ku Yidhi Waxaa Jooga Boqor Aan Agtiisa Dulmi Oolin, Waa Boqor Negashi, Markii Uu Dhintayna Waxa Uu Nebigu U Tukadey Salaatul Qaa”ib.

Boqor Negashi Wuuxuu Ku Aasan Yahay Meel Dhawr Saacadood U Jirta Magaalada Mekele Ee Xarunta Maamulka Tigrayga Ee Dalka Ethiopia. Waxaa Iyaguna Xabaashiisa Sannad Kasta Booqda Dad Dalxiiseyaal Ah Oo Aad U Tiro Badan.
Dhinaca Kale Hay’adda Turkiga Ee Tikka Ayaa Waxay Dayactir Ku Haysaa Xabaasha Boqorkii Cadaaladda Badnaa Ee Negashi . Tuulada Uu Boqor Negashi Ku Aasan Yahay Oo Ah Goobtii Ugu Horeysey Ee Masaajid Africa Ah Laga Hirgeliyo, Waxaa Iyaganuna Halkaas Ku Aasan Qaar Ka Mid Ah Asxaabtii Rasuulka Illaahay Raali Ha Ka Noqdee Oo Siday Ugu Hijroodeen Ardul Xabash Aan Diba U Soo Noqon Oo Halkaas Ku Dhintay.

Cabdi Yaasiin Yool.
Free License:-Journalist.

COMMENTS
Latest News