qorilugudnews24.com
Xukuumadda Somaliland Oo Loogu Baaqayo In Ay Tallaabo Deg Deg Ah Ka Qaado Mulkiilaha WebSite-Beeleedka Caynabanews Iyo Cid Kasta Oo Ku Hawlan Warar Been Abuur Ah Oo Lidi Ku Ah Qaranimada Somaliland.
March 5, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Haddii Aannu Nahay Bulshada Reer Somaliland Ee Jecel Nabadda Iyo Horumarka Dadkooda Iyo Dalkooda Somaliland, Waxa Aannu Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqaynaa In Ay Tallaabo Deg Deg Ah Ka Qaado Dhammaan Mulkiilaha Iyo Hawl-Wadeenada Website-Beeleedka Caynabanews, Kaas Oo Aanu U Aragno In Uu Ku Soo Duuley Qaranimada Iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Isla Markaana Ku Caan Baxay U Addeegida Cadowga Kala Duwan Ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ninkaas Oo Weliba Ah Mulkiilaha Tv-ga Eryaltv.

Waxa Kale Oo Aannu Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqaynaa In Ay Tallaabo Deg Deg Ah Ka Qaado Cid Kasta Oo Loo Arko In Ay U Adeegayso Gamco-Shisheeye, Isla Markaana Ku Hawlan, Dacaayado Raqiis Ah Iyo Warar Been Abuur Ah Oo Lidi Ku Ah Qaranimada Somaliland, Kuwaas Oo Lagu Doonayo In Lagu Sumcad Dilayo Sharafta Iyo Karaamad Dalka Iyo Dadka Xariirta Ah Ee Reer Somaliland.

Ugu Dambayn Website-Beeleedka Caynabanews Ayaa Ku Caan Baxay In Uu Soo Waarido Wararka Been Abuurka Ah Iyo Dacaayadaha Raqiiska Ee Ay Faafiyaan Cadowga Somaliland, Waxaanu Hadda Bilaabayn In Uu Xiniiyaha U Salaaxo Col. Caarre Iyo Kooxaha Qaran Dumiska Ah Ee Ka Soo Horjeeda Nabadda Iyo Horumarka Qaranka Somaliland, Isla Markaana U Adeegga Maamul-Goboleedyada Pintland Iyo Villa Somalia, Oo Labaduba Cadow Ku Ah Kana Soo Horjeeda Jiritaanka Iyo Qaranimada Somaliland.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News