qorilugudnews24.com
Soomaaliya Oo Ay Joogaan Ciidamo Shisheeye Haddana Awood Uma Laha In Ay Ammaanka Soomaaliya Soo Celiyaan, Halka Somaliland Ay Leedahay Ciidamo Awood Leh Oo Ammaanka Somaliland Ku Filan!!!!!!!!.
March 6, 2019 - Written by qoriadmin

Soomaaliya Oo Ay Joogaan Ciidamo Shisheeye, Haddana Awood Uma Laha In Ay Ammaanka Soomaaliya Soo Celiyaan, Halka Somaliland Ay Leedahay Ciidamo Awood Leh Oo Ammaanka Somaliland Ku Filan!!!!!!!!.
Soomaaliya Muddo 28 Sano Ah May Yeelan Ciidamo Militari Oo Awood Leh Oo Ammaanka Caasimadda Iyo Gobolladda Kaleba Ilaalin Kara!!!!!, Halka Somaliland Muddo 28 Sano Ay Leedahay Ciidamo Milateri Oo Awood Leh, Ciidamo Boolis Oo Awood Leh, Ciidamo Badda Ah Oo Awood Leh Oo Dhammaantood Ammaanka Shacabweynaha Somaliland Iyo Ammaanka Dhulweynaha Somalilandba Ilaalin Karaya, Haddana Waddamadan Isku Sheega In Ay Haystaan Aqoonsi Ha Noqdaan Waddamada Muslimka, Waddamada Reer Galbeedka, Wadamadda Reer Bariga, Wadamadda Afrika Kama Haystaan Tix-Gelin Buuxda, Kama Haystaan Garoowshiiyo, Kama Haystaan Gar-Gaar Bini’Aadam, Kama Haystaan Dhaqaale Ay Ku Caawiyaan, Kama Haystaan Dib U Dhiska Aasaaska Bulshada, Kamana Haystaan Aqoonsi Caalamiya!!!!!!!, Balse Waddamadaasi Waxay Somaliland La Jecel Yihiin In Ay Noqoto Sida Soomaaliya Oo Wehel U Noqotay Colaaddo Iyo Qaraxyo Is Daba Joog Ah!!!!!!,
Halka Soomaaliya Oo Muddo 28 Sanno Aanay Ka Jirin Dawlad, Oo Sannadadaas Badan Ay Ka Jiraan Dagaalo Sokeeye Iyo Qaraxyo Oo Ay Ku Dhinteen Boqolaal Kun Oo Soomaali Ah, Kuna Dhaawacmeen Konton Kun Oo Soomaali Ah Iyo Shacabweynaha Soomaaliya Oo Nafahoodii Halis Gashay, Khasabna Ay Ku Noqotay In Ku Dhowaad Shan Milyan Ay Waddankooda Ka Qaxaan, Iyaga Oo Magan-Gelyo Weydiisanaya Waddamada Afrika, Aasiya, Yurub Iyo Maraykanka.

Soomaaliya Oo Ay Joogaan Ciidamo Shisheeye Hadana Awood Uma Lahaa Inay Ammaanka Soomaaliya Soo Celiyaan!!!!!, Balse Waxay Ka Door bidaan Boqolaalka Bilyan Ee Dollar Ee Ay Maraykanka Iyo Qaramada Midoobey Ku Dul Cunayaan!!!!!, Dhaqaalahaas Faraha Badan Oo Dhisi Lahaa 20 Waddan Oo Afrika Ku Yaala!!!!!.

Waddamada Caalamku Mar Haddii Aanay Ogolayn In Soomaaliya Ay Yeelato Ciidamo Awood Leh Oo Ammaankooda Sugi Kara Iyo Xuduudaha Ay Waddamada Kale La Leeyihiin Oo Ay Ilaashadaan.
Waddamada Caalamka Maxaa U Diiday Inay Awooddooda Dhaqaale Isugu Geeyaan Waddanka Somaliland Oo Muddo 28 Sanno Ahaa Waddan Ka Madax-Bannaan Waddankii Ay La Midoobeen Ee Xoriyadda Ka Qaatay Waddanka Talyaaniga Ee La Odhan Jiray Italian Somaliland, Halka Waddankii Xoriyadda Ka Qaatay Waddanka Ingiriiska Ee La Odhan Jiray Biritish Somaliland, Midoowgii Labada Waddana La Baxay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Not Soomaaliya)
(Somali Republic).

Waddamada Caalamka Waxaad Badankooda Moodaa Inay U Fekerayaan Sidii Libaax Aan Dad Iyo Duunyaba Nabad-Gelinayn Oo Ay Doonayaan Waddan Kasta Oo Xasiloon, Ama Caalamka Ka Sugaya Aqoonsi Inay Burburiyaan Oo Ay Ka Dhigaan Sida Soomaaliya, Oo Damiir Xumadooda Ay Siisay Inaanay Dan Iyo Muraadtoona Ka Gelin Shacabwaynaha La Xasuuqayo Ee Leh Dumar, Caruur, Waayeel Iyo Dhalinyaro, Balse Ay Ka Door bidayaan Boqolaalka Bilyan Ee Waddan Kasta Oo Ay Burburiyeen Ama Ay Go’doomiyeen Ay Waddamada Caalamka Ka Dhaadhicinayaan In Qaadhaan Ama Deeq Loogu Yabooho Wadamadda Dagaaladu Ragaadiyeen, Iyo Waddamada Aan La Aqoonsan, Qaadhaankaas Ama Deeqdaas Waddamada Lagu Caawiyo Waxaa Ka Soo Gaadha 5%, Halka 95% Ay Ku Dhacdo Dilaaliinta Ka Macaasha Dhiiga Waddamada, Dilaaliinta Dhiigga Dadka Ku Macaasha Waxaa Ugu Horeeya Waddanka Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay Oo Qaadhaanka La Soo Uruuriyey Dib Ugu Noqda 85%, Halka Wadamadda Kale Ee Ay Isku Xulafada Yihiin Qaadhaanka La Soo Uruuriyo Dib Ugu Noqda 10%.

Waddamada Caalamka Badankoodu Goormay Ka Ilbaxayaan Waddanka Maraykanka Iyo Qaramada Midoobey Ama Ay Dib U Sixid Ugu Samayn Doonaan Waddanka Maraykanka Iyo Qaramada Midoobey, Kana Dhaadhicin Doonaan Inay Soo Raacaan Waddada Nabada Iyo Horumarka, Oo Sida Wadanka Maraykanku Uu Ugu Baahan Yahay Nabad Iyo Horumar, Ayey Wadamadda Caalamkuna Ugu Baahan Yihiin Nabad Iyo Horumar.

Wadanka Maraykanka Iyo Qaramadda Midoobay Haddii Ay Ugu Badinayso Inay Wadankasta Oo Nabad Ku Naaloonaya Oo Ay Kala Afkaar Noqdaan In Uu Caqligooda Xuni Siiyo Cuna Qabateeya Ama Dagaal Ku Qaada.
Wadamadda Caalamku Sidii Hore Ha Moodina Waxaa Iman Doonta Wakhti Dhoow Inay Wadamadda Caalamka Oo Aanu Ku Jirin Waddanka Maraykanka Inay Samaystaan Ururka Qaramada Midoobey.

Suxufi Madax-Bannaan Qoraa Ah, Ahna Murashaxa Golaha Wakiilada Ee Jamhuuriyadda Somaliland
Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood.
Hargeisa Somaliland Republic.

COMMENTS
Latest News