qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Guddoomiyihii Laanta Finland Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Md. Isaxaaq Cabdi Guuleed Oo Caawa Iscasiley.
March 8, 2019 - Written by qoriadmin

Helsinki-(QorilugudNews24)-Guddoomiyihii Laanta Finland Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Md. Isaxaaq Cabdi Guuleed Ayaa Caawa Shaaciyey In Uu Iska Casiley Xilkii Guddoomiyenimo Iyo Xubinimadii Xisbigaasi Waddani, Sidaana Waxa Uu Ku Sheegay Qoraal Kooban Oo Uu Caawa Soo Dhigay Barta Uu Ku Leeyahay Goobaha Ay Bulshadu Ku Kulanto Internetka, Waxaanu Qoraalkaasi U Dhignaa Sidan:-
Salaan kadib, Aniga oo aAhaa Guddoomiyihii Xisbiga Waddani Ee Laantiisa Dalka Finland Waxaan Caawa Laga Bilaabo Halkan Idiin Ku Soo Gudbinayaa In Aan Xilkii Guddoomiyenimo Iyo Xubinimadii Xisbigaba Iska Casilay, Aniga Oo Si Faah-Faahsan Uga Hadli Doona Waqtiga Ay Ku Haboonaato Insha Allaah.

Intaas Kadib Waxaan U Mahadnaqayaa Dhammaan Masuuliyiintii Iyo Taageerayaashii Xisbiga Waddani Ee Aanu Waqtiga Badan Soo Wada Shaqaynay, Waxaana U Rajeynayaa Guul .
Allaa Mahad Leh.
By: Isaxaaq Cabdi Guuleed.

COMMENTS
Latest News