qorilugudnews24.com
Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici Oo Saxeexay Buugga Tacsida Ee La Dhigay Safaaradda Dalka Ethiopia Ee Magaalada Hargeysa.
March 11, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici Ayaa Maanta Tacsi Ugu Tegey Safaaradda Itoobiya Ee Ay Ku Leedahay Somaliland, Isaga Oo Ka Tacsiyadeeyey Safiirka Dalka Itoobiya Ee U Fadhiya Somaliland Diyaaradii Shalay Burburtay, Taas Oo Ay Ku Dhinteen 157 Qof, Waxaanu Madaxweyne Ku-Xigeenku Saxeexay Buugga Tacsida Ee La Dhigay Safaaraddaasi.

Waxa Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Ku Wehelinaayey Tacsida Agaasimeyaasha Guud Ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Barnaamijka Shaqo Qaran, Mudane Maxamed Cali Bile Iyo Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Geesta Kalena Waxa Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Ku Hadlaya Magaca Xukuumadda Iyo Shacbiga Somaliland Uu Shalay Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ra’iisal-Wasaaraha Dalka Itoobiya Md. Abiy Axmed Cali iyo Guud Ahaan Shacabka Reer Itoobiya, Oo Uu Si Tiiraanyo Leh Uga Tacsiyadeeyey Diyaaradii Burburtay Ee Ay Dadka Badani Ku Dhinteen.

Solnanews.com

COMMENTS
Latest News