qorilugudnews24.com
Madaxweynaha Faransiiska Mr. Emanwal Makron Iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Oo Kala Saxeexday Heshiis Military, Kaas Oo Ethiopia Loogu Dhisaayo Ciidamo Baddeed.
March 14, 2019 - Written by qoriadmin

Addis-Ababa-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Faransiiska Mr. Emanwal Makron Iyo Ra’iisal-Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed Ali Ayaa Kala Saxeexday Heshiiskii Ugu Horeeyey Ee Ku Saabsan Iskaashi Military Oo Dhexmara Labada Dal, Sida Uu Baahiyey Telefishinka Qaranka Ee Dalkaasi Ethiopia.
Ra’iisal-Wasaraha Ethiopia Iyo Madaxweyne Emanwal Makron Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Ethiopia Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ay Isku Afgarteen Iskaashi Dhinaca Difaaca Ah Iyo In Ay Faransiisku Taageero Ka Geystaan Dhismaha Ciidanka Badda Ee Uu Yeelanyo Dalka Ethiopia, Iyada Oo La Og Yahay In Aanay Ethiopia Lahayn Wax Bad Ah Oo Iyaga U Gaar Ah, Arrintaas Oo Ay Dad Badani Durba Walaac Ka Muujiyeen.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News