qorilugudnews24.com
Xoghayaha Xisbiga Waddani Waa Qof Aan Fahansanayn Siyaasadda, Waana Qof Ay Ka Muuqato Jaahilnimo Badani.
March 16, 2019 - Written by qoriadmin

Xoghayaha Xisbiga Waddani Waa Qof Aan Fahansanayn Siyaasadda, Waana Qof Ay Ka Muuqato Jaahilnimo Badani………………………………….

Ugu Horeyn Waxaan Salaamayaa Bahda Saxaafada Guud Ahaan Gaar Ahaanba”ASCW”

Kadib Waxaan Daawaday Nin Cadhaysan Oo Ay Ka Muuqato Jaahilnimo Badani Oo Lagu Sheego Xoghayaha Xisbiga Waddani, Ninkaasi Waxa Uu Warbaahinta La Horyimid Hadallo Oohin Iyo Tawaawac Uu Habaar Badani Ka Muuqdo, Waxaana Iska Cad In Uu Ahaa Qof Caadifaysan Oo U Hadlaayey Qaab Hiil U Ah Malaha Xubno Loo Xidhxidhay Burburin Ay Burburiyeen Hanti Ummaddeed.

Haddaba waxaa waajib ah dadka caynkaasi u hadlaaya ee Hanjabaaya ee weliba leh waxbaa burburaaya in lala Xisaabtamo oo sharciga la mariyo oo Aan loo eegin waa Xisbi iyo waa xoghaye.

Ugu danbeyn waxaa dadka reer Somaliland la gudboon in ay ilaashadan Dawladnimadood, ay kooxo u shaqeeya cadowga somaliland doonayaan in ay dumiyaaN, Iyaga oo adeegsanaya Qabyaalad, been iyo niyad jabinta shacabka.

Dawladda iyo laamaha Amniga waxaa la gudboon in ay Tallaabo ka qaadaana dadkan wax ma garatada ah ee warbaahinta goor walba la taagan cayda, beenta iyo isku dirka shacabka.

Qore:Tahir hussein.

COMMENTS
Latest News