qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Al-Shabaab Oo Caawa La Wareegtey Gacan Ku Haynta Degmada Balcad Ee Gobolka Sheebeellada Dhexe Iyo Ciidankii Maamulka Villa Somalia Oo Kala Firxaday.
March 19, 2019 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab Ayaa Caawa La Wareegtey Gacan Ku Haynta Degmada Balcad Ee Gobolka Sheebeellada Dhexe Kadib Markii Ay Halkaas Weerar Culus Ku Eekeeyeen, Isla Markaana Ay U Awood Sheegteen Ciidankii Maamulka Villa Somalia Oo Iyagu Markii Dambe Kala Firxaday.
Wararka Kale Ee Aanu Helanayno Ayaa Sheegaya In Maleeshiyada Al-Shabaab Ay Gaaf-Wareegayaan Badhtamaha Iyo Daafaha Degmada Balcad, Isla markaana La Wareegeen Gacan Ku Haynta Magaalada Balcad, Halka Ay Kala Firxadeen Ciidankii Dawladdu.

Ilo Wareedyo Muhiim Ah Ayaa Sheegaya In Al-Shabaab Sii Daayeen Maxaabiis Badan Oo Ku Xidhnaa Xabsiga Dhexe Ee Degmadaasi Balcad, Kuwaas Oo U Xidhnaa Dembiyo Kala Duwan Oo Ay Galeen.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News