qorilugudnews24.com
Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Waddanka Eritrea Oo Caawa Lagu Arkay Suuqa Caadiga Ah Ee Magaalada Hargeysa Isaga Oo Ka Shaahaya
March 20, 2019 - Written by qoriadmin

Waa Sawirka Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Waddanka Eritrea Oo Caawa Lagu Arkay Suuqa Caadiga Ah Ee Magaalada Hargeysa Isaga Oo Ka Shaahaya…
…………..

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Waddanka Eritrea Ošmãn Saleh Mohamed Oo Booqasho Ku Jooga Somaliland Ayaa Caawa Lagu Arkay Makhaayadda Berbera Coffee Oo Ka Mid Ah Makhaayaddaha Ugu Shacbiyada Badan Magaalada Hargeysa Ee Dadka Shacabka Ahi Ka Shaaho, Isaga Oo Si Caadi Ah Uga Shaahayanaya

Taas Oo Aanay Xilligaa La Socon Wax Askar Ah, Marka Laga Reebo Hal Gaadhi Oo Dibedda Yaaley Kaas Oo Aan La Hubin In Wax Askar Ahi Ku Jirtay Iyo Hal Masuul Oo La Soo Galay Gudaha Makhaayada Wasiirka Oo Markii Hore Dadka Meherada Jooga Somali Caadi Ah Moodayeen Ayaa Si Caadi Ah Shaahiisi Marku Dhammaystay Hal Mar Qacan Qaaday Dadkii Joogey Meherada Markaa oo Wasiir Ku Xigeen ka Arimaha Dibeda Somaliland oo u Turjumayey Meheradana Hore u Iman Jiray oo la Garanayey markuu U Sheegay Dadkii Wasiirku Gacan Qaadayey inuu Lee Yahay Waxan Ahay Wasiirkii Arrimaha Dibedda Ee ErItrea, Waxaan Halkan Idin la Fadhiyey Muddo Cabaar Ah Hurdo Wacan Dhammaantiin Ayaan Idiin Rajaynaya

Taas oo In Badan ka Yaabisay Kalsoonida Amni Ee Wasiirku Qabo iyo Sida aanay Dadkuba Uga War Haynba In Wasiirkii Arrimaha Dibedda Ee Waddanka Eritrea Caawaba La Fadhiyey

FILO MUQAAL KA Warkan

Kuvan mahdollinen sisältö: 2 henkilöä, ihmiset istuvat
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News