qorilugudnews24.com
Micheal Rubin “Caalamku Wax Buu Ka Baran Karaa Sidii Ay Somaliland Uga Guuleysatey Maleeshiyaadkii.”
March 22, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)Aqoonyahan Micheal Rubin Oo Ah Xeel-Dheere Military Oo Maraykan Ah Ayaa Warbixin Uu Maanta Ku Daabacay War-Sideyaasha Caalamiga Ah Wuxuu Ciwaan Uga Dhigay “Caalamku Wax Buu Ka Baran Karaa Sidii Ay Somaliland Uga Guuleysatey Maleeshiyaadkii.”

Mr. Rubin Wuxuu Warbixintan ku faalleeyey sida Soomaaliya oo Dawladda Maraykanku ay ku Taageerayso Sannadkan $900 oo Milyan oo Dollar, aanay haddana waxba uga qaban dhinaca Ammaanka dalkeeda, taasina ay Maraykanka ku tahay Tacab Khasaar. Waxaanu xusay in Soomaaliya ay ku Guuleysatay Horyaalka Dalka Ugu Musuqmaasuqa Badan Adduunka Oo Ay Xataa Ka Sii Liidato  Dalalka Yemen, Waqooyiga Kuuriya Iyo Venezuela.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) Oo Faallada Mr. Micheal Rubin Ka Soo Xigatay War-Sidaha Foreign Policy, Ayuu Ku Sheegay In Somaliland Ay Miisaaniyaddeeda Oo Dhan $350 Milyan Oo Dollar Ay Saddex Meeloodow Meel Geliso Ammaanka Iyo Gaashaandhigga.

Mr. Rubin wuxuu xusay inuu soo bandhigay siday Maraykanka lagama maarmaanka ugu tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Dal Aan La Aqoonsan Oo Uu Socdaal Ku Tegey Bishii hore.

Khabiirku wuxuu ku dooday in Lacagaha Soomaaliya la siiyaa ay tahay mid keenaysa Wakhti Lumis isla markaana Fawdo sii Gelinaysa Dalkaas, waxaanu carabaabay in khaladaadkii Maraykanka iyo Qaramada Midoobey ay ka sameeyeen Ciraaq ay mid la mid ah ka sameynayaan Soomaaliya.

Waxa kaloo uu naqdiyey Safiirka Marayanka U Qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto  Oo Uu Xusay In Aanu Iman Somaliland, isla markaana dhaqaalaha loogu Yabooho Soomaalida uu doonayo in lagu isticmaalo Soomaaliya oo keliya, Waxaanu tallabadaas ku sifeeyey mid ka hor imanaysa Siyaasadda Madaxweyne Donald Trump Ee Ku Wajahan Afrika.

Mr. Micheal Rubin wuxuu intaas ku daray in Dawladda Maraykanku ay lacag xad dhaaf ah ku bixiso ka hortagga maleeshiyaadka caalamka ka jira, balse wax aad u yari ka midho dhalaan dedaalkaas, waxaanu  qiray in Somaliland ay Maleeshiyaadkeedii Gobollada oo dhan ay ku guuleysatey in ay iskugu geyso Gal Ciidan Qaran, waxaanu caddeeyey in hannaankii ay u maareysay Maleeshiyaadku ay Cashar u noqon karto meelo badan oo caalamka ah.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News