qorilugudnews24.com
Taariikhda Halgankii SNM Oo U Muuqda In La Majara Habaabiyey Iyo Kooxo Yar Oo Dhexda Ku Martay, Isla Markaana Sawiro Shiqsiyaad Gaar Ah Gidaarada Ku Soo Xardhada.
April 7, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Taariikhda Halgankii Ururkii Xaqu Dirirka Ahaa Ee SNM Ayaa Gebi Ahaanba U Muuqda In La Majara Habaabiyey Iyo Kooxo Yar Oo Dhexda Ku Martay, Isla Markaana Meel Walba La Ordaya 4 Sawir Oo Ay Isku Beel Ahaayeen, Taas Oo U Muuqata In Loo Kala Abtirinaayo Mujaahidiintii Ururkii Dhaq-Dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed Ee SNM Ee Dhiiggoodii U Daadiyey Xornimadda Maanta La Wada Hadhsanaayo, Arrintaas Oo Ceeb Iyo Gef Weyn Ku Ah Guud Ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Halgankii Qadhaadhaa Ee Shacabka Reer Somaliland.
Waxa Aynu Aragnaa Xafladdo Yar-Yar Oo Madhaleys Ah Oo Sannad Kasta Lagu Qabto Xaafaddo Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa, Kuwaas Oo Kulmiya Kooxo Is Cugtay Oo Isku Suntay In Ay Yihiin Kuwa Keliya Ee Iyagu Xogogaalka Ahaa, Isla Markaana Khudbaddo Iyo Taariikho Khaldan Oo Dadka Lagu Majara Habaabinayo Goobta Ka Akhriya, Iyaga Oo Aan Marnaba Soo Hadal Qaadin Beelihii Iyo Mujaahidiintii Laf-Dharta U Ahaa Halgankii Hubaysnaa Ee Ururkii SNM.

Ugu Dambayn Waxa Aanu Dhawaan Soo Bandhigi Doonaa Taariikhda Dhabta Ah Ee Halgankii Ururkii Dhaq-Dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed Ee SNM Iyo Cidda Sida Dhabta Ah Ugu Suntan Halgankaasi, Isla Markaana Ay Muddan Tahay In Laga Run Sheego.

Wa Billaahi Tawfiiq.

By: Aarjeberti.

COMMENTS
Latest News