qorilugudnews24.com
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ka Socdey Ciidamada Ingiriiska.
April 25, 2019 - Written by qoriadmin

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) Oo Uu Weheliyo Taliyaha Guud Ee Ciidanka Qaranka Somalialnd S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamuud Cabdirisaaq, Masuuliyiin Ka Kala Socotey Hay’adda Axiom Iyo Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland Ayaa Qayb Ka Ahaa Kulankani Ay Yeesheen Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Dalka Ethiopia Colonel Matt Munro Iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid).

Kulankani oo noqonaya kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan wasiirka cusub ee waasaaradda Gaashaandhigga JSL iyo Sarkaalka Ugu Sareeya Ciidamada Ingriiska Ee Fadhigoodu Yahay Ethiopia, ayaa lagaga Wada hadlay sidii loo Xoojin lahaa Xidhiidhka weyn iyo wada shaqaynta Ballaadhan ee ka dhexeeya Dawladda ingriiska iyo Jamuuriyada Somaliland.

Geesta kale u jeedada ugu weyn ee kulankani ayaa ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayeynta iyo Tababarada Dhanka Aqoonta ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, kaasi oo qayb laxaad leh ka qaadanaaya dhisida Aqooneed ee Ciidanka Qaranka iyo Hawl- Wadeenada Wasaaradda Gaashaaandhigga Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, smiling, sitting and standing

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News