qorilugudnews24.com
Guddoomiye Cirro Maaha Guddoomiye Xisbi Qaran Ee Waa Chief Caaqil-Beeleed.
May 1, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabadillaahi Cirro Ayaa U Muuqda Mid Gebi Ahaanba Ku Fashilmay Fagaarayaashii Iyo Garoomada Lagu Ciyaaro Ee Siyaasadda Somaliland, Kaas Hadda U Xuubsiibtey In Uu Barnaamij Siyaasaddeed Ka Dhigto Hadba Dhacdadii Yar Ee Meel Dalka Somaliland Ka Mid Ah Ka Dhacda, Taas Oo Ay Ugu Dambeysey Xaaladda Labada Askari Ee Maalintii Shalay Ahayd Lagu Diley Deegaano Ka Mid Ah Gobolka Sool, Arrintaas Oo Ay Ummadduba Ka Xumaatay Isla Markaana Si Weyn Loo Cambaareeyey Shicib Iyo Xukuumadba.
Haddaba Waxa Ay Isweydiinto Tahay, Waa Maxay Sababta Uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mr. Cirro Iyo Taageerayaasiiba Ay Wixii Yar Ee Dhacaba Uga Dhiganayaan Ajande Siyaasaddeed Iyo Nabar Ay Marwalba Xoqaan, Kaas Oo Ay Ku Doonayaan In Ay Bulshada Reer Somaliland Ku Kala Qaybiyaan Ama Ay Iskaga Horkeenaan, Iyada Oo Aynaan Weli Fahmin Waxa Ay Tahay Faa’iidada Ugu Jirta Iyo Waxa Ay Ka Helayaan Ladhka, Caabuqa Iyo Naxliga Huursan Ee Ay Marba Soo Kicinayaan Ee Ay Bulshada Reer Somaliland Ku Kala Qaybinayaan.

Waxa Kale Oo Iyana La Yaab Leh, Waxa Taageerayaashii Xisbiga Waddani Ka Dhigay Kuwo Ay Indhaha Iyo Dhegahaba Ka Ridey Qabyaalad Qaawan Oo Bilaa Maryo Ah Iyo Naxli Iyo Nacayb Cid Gaar Ah Oo Aad Moodid In Loox-Maxfuudka Loogu Soo Dhigay, Isla Markaana Ay Bulshada Reer Somaliland Sanka Ka Qabsatay Sunta Iyo Naxliga Huurey Ée Ay Meel Walba La Soo Taagan Yihiin, Iyaga Oo Si Aan Gabasho Lahayna Ula Soo Saftay Cadowgii Keli Ahaa Ee Reer Somaliland, Kuwaas Oo Aynu Maalin Walba Ka Aragno Shaashadaha La Iska Arko Iyo Baraha Internet-Ka Ee Ay Bulshadu Ku Kulanto, Iyaga Oo Ruxaya Calankii Buluugga Ahaa Ee Somalia Iyo Kan Maamul-Goboleedka Puntland, Arrintaas Oo Muujinaysa Sawirka Dhabta Ah Ee Uu Leeyahay Xisbiga Waddani Iyo Qorshihii Markii Horeba Loo Samaystay.

Ugu Dambayntii Waxa Isa Soo Taraya Waxyaabo Badan Oo Hore Loo Sheegay Oo Aanay Bulshada Reer Somaliland Badankeedu U Fahansaneyn Iyo Walaacii Awelba Laga Qabey Siyaasadda Wejiyada Badan Ee Ay Ku Dhaqmaan Madaxda Xisbigaasi Waddani, Taas Oo Marka Aad U Dhabo-Gashid, Isla  Markiiba Aad Ka Dareemaysid In Aad Joogtid Gole Soomaali-Weyn Iyo Xaruntii Maamul-Goboleedka Puntland Ee Garoowe, Halkaas Oo Ay Horeba Ugu Sugnaayeen Qaar Ka Mid Ah Taageerayaashii Ugu Badnaa Ee Xisbiga Waddani Oo Ay Weliba Ku Jiraan Saraakiil Ciidan.
La Soco Qaybaha Dambe……

Abdirashid Hassan Geylan (Careef).

Abdrishidgalan@yohoo.com

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News