qorilugudnews24.com
Qarax Maanta Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Maxkamadda Derejada Koowaad Ee Degmada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari Iyo Khasaare Kala Duwan Oo Ka Dhashay.
May 11, 2019 - Written by qoriadmin

Boosaaso-(QorilugudNews24)-Inta La Xaqiijiyey 8 Qof Ayaa Ku Dhaawacmay Qarax Xooggan Oo Maanta Ka Dhacay Afaafka Hore Ee Maxkamadda Derejeda Kowaad Ee Degmada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari Ee Maamul Gobolleedka Puntland.
Qaraxan Oo Lala Beegsaday Gaadhiga Guddoomiyaha Maxkamaddaasi Abukar Cabdinuur Ayaa Dadka ku Dhaawacmay Waxaa Ka Mid Ah Garsoore, Taliyihiin Ilaalada Maxkamadda, Ciidamo Iyo Haween Ku Ganacsanaayey Albaabka Hore Ee Maxkamaddaasi.

Dadka Ku Dhaawacmay Qaraxa Ayaa La Dhigay Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Boosaaso, Waxayna Wararku Sheegayaan In Laba Ka Mid Ah Dhaawacaasi Ay Xaaladdoodu Culus tahay.
Ma Jirto Koox Weli Sheegatay Masuuliyada Weerarkaasi, Sidoo Kale Ma Jiro Wax War Ah Oo Ka Soo Baxay Dhinaca Maamulka Puntland Oo Ku Saabsan Qarax Ka Dhacay Maxkamadda.

Dhinaca Kale, Qaraxa Lala beegsaday Gaadhiga Guddoomiyaha Ayaa Imaanaya Iyada Oo Toddobaadkii Hore Ay Maxkamadda Ciidamada Ee Puntland Xukuno Isugu Jirey Dil Iyo Xabsiyo Ku Xukuntay Rag Lagu Eedeeyey In Ay Ka Tirsanaayeen Kooxda Al-Shabaab Ee dagaalka kula jirta Maamulka Puntland.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News