qorilugudnews24.com
Muxuu Sharcigu Ka Qabaa Habka Uu Madaxweyne Muuse Biixi U Maray Siideynta Maxaabiista Dagaal Ee Puntland???.
May 28, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xukuumada somaliland Ayaa Ku Dhawaaqday In Ay Cafiday Maxaabiis Dagaal Oo Laga Qabsaday Maamulka Puntland.
Madaxweynaha Somaliland Ayaa Fuliyey Ballan-Qaad Uu Hore U Sheegay In Uu Cafis U Fidinayo Maxaabiistii Maamulka Puntland Lagaga qabsaday dagaaladii ka dhacay Deegaanka Tukaraq.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) Ayaa Naqdiyey Habka Ay Xukuumaddu U Martay Sii Deynta Maxaabiista Dagaal Ee Laga Hayey Maamulka Puntland.

Garyaqaan Guuleed Dafac Ayaa Qoraal Uu Ku Baahiyey Bartiisa Facebook, Waxa Uu Kaga Hadlay Qaabka Uu Sharcigu Dhigayo In Ay Xorriyadooda U Helaan Maxaabiis Lagu Qabsaday Dagaal, Waxaanu Ku Yidhi Qoraalkiisa:-

Maxaabiista Dagaalku (Prisoners Of War) Dembiileyaal La Cafiyo Maaha Ee Waxa Maamula Mucaahadada Geneva. Marka Dagaalku Dhammaado Waa In La Isku Celiyo. Waa Mamnuuc In Loola Dhaqmo Sidii Dembiile. Waxaay Leeyihiin Ilaalin Gaar Ah. Markaa Erayga Waa La Cafiyey Waa Khalad. Maxabiista Dagaalka Waa La Iswaydaarsadaa Ama La Isdhaafsadaa. Haddii Cid Qudhi Maxaabiis Haysona (badiyaa Ma Dhacdee) Way Celisaa.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News