qorilugudnews24.com
Hoggaamiye Kasta Waxa Lagu Cabiraa Garaadkiisa Iyo Dadka Uu Isku Xeero’ Taariikhdiisana Iyaga Ayaa Tusaale U Noqda
May 31, 2019 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Niccollo Machiavelli Oo Ahaa Qoraa Iyo Filosuufi (Philosophy) Loogu Yeedho Aabihii Cilmiga Siyaasadda Ee Casriga Ah Ayaa Laga Hayaa, “Habka Ugu Horeeya Ee Lagu Qiimeeyo Garaadka Ruuxa Xukunka Hayaa: Waa In La Eego Dadka Uu Isku Xeeray”, Waxaana Marar Badan Dhacda In Hoggaamiyaha Oo Niyadwanaag Iyo Samaan Ka Talinaya, waxqabadna diyaar u ahi uu ka Tallaabsan Kari Waayo, Dadka Ku Xeeran Oo Aanu Dareensanayn In ay Dabar Ku Yihiin Doonistiisaas Fiican.

Suleymaan Bin Cabdalmalik oo ahaa Hoggaamiyihii Toddobaad ee Dawladdii Umawiyiinta, ayaa inkasta oo uu ahaa hoggaamiye caddaaladda iyo maamulwanaagga lagu arkay awgeed, jacaylka ay dadkiisu u qabeen uu gaadhay in ay ku naanaysaan ‘Furihii khayrka’, haddana ay weli jirtay in laga cabanayey dadka uu isku xeeray. Waxa se uu noqday hoggaamiye garaad badan oo dhegeystay dhaliisha kuwa ku xeeran loo jeedinayo, kana feejignaaday.

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa nin reer baadiye ahaa oo la kulmay hoggaamiye Sulaymaan Bin Cabdalmalik, waxa uu fursaddii uga faa’iidaystay in uu Amiirka u sheego dhaliisha dadka ku xeeran iyo khatarta ay leedahay haddii aanu ka feejignaan, “Amiirkii muuminiintoow, hadal baan ku odhanayaa, ee haddii uu kula xumaado, jidhka is-geli oo adkaysi u yeelo. Ogowna oo, si kasta ha u qadhaadhaado ee, haddii aad warkaygaas ogolaato, wax aad jeclaato ayaa aad ka dheefi doontaa.”

Amiirku markii uu ninkii u fasaxay hadalkii, waxa uu ninkii reer baadiyaha ahaa yidhi, “Waxa aad isku xeertay rag, diintoodii dhaafsaday adduunyada aad adigu u hayso, si ay adiga ku raalligeliyaanna Alle cadhadiisa u badheedhay. Waa rag aakhiradoodii xumeeyey oo adduunyadooda camirtay…” Xikmad badanahan reer baadiyaha ahaa marka uu Amiirka u sheegay ceebta ay leeyihiin ragga uu isku xeeray. Waxa kale oo uu uga digay khatarta ay ku keenayso amiirka, haddii aanu wax ka qaban, isaga oo arrinkaas ka waaninayana waxa uu yidhi, “Raggaas ha ku aamin waxa Alle adiga kugu aaminay (Madaxnimada). Waa rag aan dan ka gelayn in amaanada ku saarani dayacanto, iyo in umadda khasaare iyo burbur ku dhaco. Waxa aad ogaataa in aad adigu ka masuul tahay dembiga ay galeen kuwaa kugu xeerani. Laakiin iyagu aanay ka masuul ahayn debmiga adigu aad gashay, oo uu adiga keli kugu yahay. Dadna waxaa ugu doqonsan ruux aakhiradiisii u xumeeyey adduunyo dad kale helayaan darteed.”

Haddaba, hoggaamiye kasta waxaa ku xeeran dad ay talladooda iyo sheekadoodu saamayn ku yeelato go’aamada iyo fikirka uu dalka ku hagayo.

Nasiib darro waxaa in badan dhacda in dadkaas hoggaamiyeyaasha ku xeerani ay noqdaan kuwo fursadaas uga faa’iidaysta danahooda gaarka ah oo keliya iyo dad u samaysan marinhabaabinta hoggaamiyaha iyo in ay mansabyada loo dhiibo ka hodmaan. Dadkaasi qaranka waxa ay ku yihiin hagar-daamo, waa se haddii aanu hoggaamiyuhu noqon ruux baraarugsan oo cidda uu diranayo iyo cidda warka u keenaysaba uga xogogaalsan waxa uu u diranayo, ama aanu lahayn tabo uu ku hubin karo xogtooda iyo dabeecadda ah in wax kasta oo soo gaadha uu maankiisa la kaashado.

Muhiimadda waxa ay tahay in hoggaamiye kastaa wanaag iyo xumaan waxa uu yeelanayo, sida uu xukunkiisu noqonayo iyo taariikhda u qormaysaaba ay noqonayso mid ku jaan-go’an hadba nooca ay yihiin dadka ku xeeran, ee uu tallada ka qaato, sirtana u dhiibto, iyo sida uu ka yeelo tallooyinka iyo aragtiyaha uga imanaya dadkaas.

Hoggaamiyihii midowga Soofiyati ee Khrushchev oo ahaa nin saamayn badan ku lahaa xukunka, ayaa mar ka sheekeeyey sida uu uga feejigan yahay dadka ku xeeran. Waxa uu sheegay in uu Gacan -Yareyaashiisa ku amray in warbixinaha iyo xogaha ay u soo gudbinayaan ay u qaybiyaan laba qaybood;

Qaybta hore oo ah warbixinaha muhiimka ah ee ay waajibka tahay in uu si xeel-dheer u wada akhriyo, jawaab, go’aan qaadasho iyo tallaabooyin kale wixii ku haboona uu ka qaato; iyo qayb kale oo ay ku ururiyaan warbixinaha iyo wararka aan hubaantida ku qotomin ama aan qiimaynta mudnayn ee ay fiican tahay in aanu waqti badan ku lumin akhriskooda, maadaama oo aanay talo iyo tallaabo la qaadaa ka dhalanayn.

Khrushchev waxa uu sheegay, marka ay gacanyareyaashu u soo gudbiyaan warbixinaha oo u qaybsan sidii uu dalbaday. In uu muhiimadda koowaad siin jiray, kuna horreyn jiray akhriska warbixinaha ay ku sheegaan in ay yihiin kuwii aan mudnayn in uu waqti ku lumiyo. Isaga oo arrintaas waxa ku kallifay sheegayana waxa uu caddeeyey in uu ogaaday, in mar kasta wararka iyo warbixinaha ay xoghaynta iyo gacanyareyaashu ku sheegaan macno darradu ay yihiin kuwa muhiimadda weyn leh!

Laba tusaale ayaa innagaga filan dhibta ay leedahay marka uu hoggaamiyuhu dhegeysto talada dadka xun ee uu isku xeeray, iyo marka uu warkooda iyo taladooda maankiisa la kaashado. Midi waa sheekada kelitaliyihii dunida ugu weynaa ee Fircoon iyo Nebi Muuse (CS). Waxa uu Qur’aanku inooga warramay Fircoon oo ahaa boqor, Ilaah sheegtay iyo sida ay u marin habaabinayeen labadiisii gacanyare ee midina milateriga u qaabilsanaa, waa Haamaan ee, ka kale oo Qaaruun ahaana maaliyadda u hayey.

Waxa ay ahaayeen rag aan xumaanta ka qaban, talada ay siiyaanna mar kasta ahayd mid sii fogeysa uun dembiga iyo kelitalisnimadii uu ku jiray Fircoon. Ka soo bilow sheegashadii uu Alle sheeganayey, taladii uu reer Bani Israa’iil wiilashooda ku laynayey, diidmadii nebinimada Muuse. Xitaa kama ay joojin tallaabooyinkii iyo go’aamadii uu qaadanayey ee ay caddayd in uu ku guuldarraysanayo xukunkiisana taasi khatar gelinayso. Tartankii sixirka ee Muuse ay la galayeen sixiroolayaashiisu waa mid ka mid ah, tii ugu darnaydna waa markii u dambaysay ee uu Fircoon baacsanayey Muuse iyo intii raacday, go’aankaas oo ay ku wehelinayeen, laakiin noqday kii soo afmeeray xukunkii Fircoon iyo noloshiisiiba.

Muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyuhu maankiisa la kaashado talada iyo fikirrada uga imanaya dadka ku xeeran, waxaa tusaale fiican inoogu filan, sheekada gabadhii maskaxda badnayd ee boqoradda ka ahaan jirtay dalka Yemen xilligii Saba’ la odhan jiray.

Boqoraddan oo ay taariikhdu magaceeda ku sheegtay Balqiis, ayaa warqad ka heshay Nebi Sulaymaan oo boqor aad u awood badan ahaa, waxa uu ugu baaqayey in aanay kibir iyo madax adayg kala hor iman ee ay muslimnimo ula tagaan. Boqoraddu waxa ay u yeedhay wasiirradii, gacanyareyaashii, golayaashii wadatashiga iyo haldoorkii dawladdeeda, waxa aanay u sheegtay dhambaalka ka soo gaadhay boqorka. Sida lagu yaqaanno gacanyareyaasha iyo dadka ku xeeran madaxda waxa ay u sheegeen in cudud iyo awood badan leeyihiin, diyaarna u yihiin in ay difaacaan dawladdooda, sidaa awgeed aanay u baqan ee ay go’aan gaadho, iyaguna diyaar u yihiin fulintiisa.

Boqoraddii kuma dagsoomin taladoodaas, waayo waxa ay ogtahay dhibta dagaal ay markaas gashaa u lahayd dadkeeda iyo dalkeeda, waxa ay u sheegtay aragtideeda oo ah; duullaanka boqortooyooyinku uu burbur iyo khasaare u horseedo deegaanka lagu qaado, dadkiisana dulleeyo. Waxa ay boqoraddu golahan ay la tashatay u sheegtay tallaabooyin kale oo ay xal ku raadinayso, si aanu boqorkaasi dalkeeda u burburin, waxaa ka mid ahaa in ay ergo u dirto oo ay eegto bal in ay iska laaluushi karaan.

Qisada oo iyada oo faahfaahsan Qur’aanka Kariimka ahi ka warramay, waxa aynu uga gol leenahay sida uu hoggaamiyuhu dadkiisa iyo dalkiisa u badbaadin karo, haddii uu yahay ruux soo jeeda oo dadka ku xeeran iyo gacan-Yareyaashiisa iska xakamayn kara, Talladoodana Hubsiimo iyo Xogogaalnimo ku dara, wixii ay u soo jeediyaanna Maankiisa La Kaashada.

By: Kamaal Marjaan

COMMENTS
Latest News