qorilugudnews24.com
Ma Siyaasibaa, Mise Waa Afku-Xoogle Ay Weliba Aqoontiisu Gaaban Tahay??.
June 5, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Waxa In Badan Indhaha Bulshada Reer Somaliland Ay Qabanayeen Oo Weliba Dhegahooduna Ay Maqlayeen, Rag Badan Oo Xilliyada Qaar Warbaahinta Kaga Tiraaba Oodhaahyo Aanu Damiirka Fayoobi Aqbali Karin, Kuwaas Oo Siyaasadda U Fahmey Si Khaldan.

Aan Tusaale u soo qaato mid ka mid ah badhasaabadii hore oo isagu tiraba ilaa shan Gobol ka soo noqday badhasaab, kaas oo ah Ramaax, aan is yara weydiino waa kuma ramaax? dabcan waxa kuu sheegi doona qofka uu yahay Muuqaalkan Hortiina iman doona ee Dhugasho Wacan.

Dabcan waxaan filayaa in muuqaalkaasi ramaax uu idiinku filan yahay shaqsiyada dhabta ah ee uu yahay, waayo? sideedaba iinsaanka waxa aad ku cabiri kartaa afcaashiisa iyo hadba sida uu yahay waxa uu tabinayo, sida muuqalkan aad ka dheehateena noqonaya mid ilduuf ku ahaa xilka uu wakhtigaasi umada u hayay, waayo? waxaad arkaysaan isagoo si qaawan u cayaya shaqsi bila-aadana oo uu waliba leeyahay waxbuu iga qoray, maantana waxaad la wada socotaan inuu inta badan ka hadlo wariye ayaa la xidhay oo sharci daro ku xidhan tiyoo aad arkaysaan isagu intuu xadhigba dhaafay si aan miyir u ehel ahayn u caayayo, magaydadii ehelka iyo xiliha u ahayd ninkaa wariyaha ahaa oo hooyo iyo hablo walalihiiya iyo gabadhiisiba uu sharaftooda meelkaga dhacayo, taasi oo inuugu filan minqiyaaska shaqsiyada ramaax

Markale aan yara holado mid ka mida muuqalada aad yaabka badan iyo tiraabta odhaahyada qaawan ee aanu aqbali karin qof miyir qabaa inay afkiisa ka soo bixi karto, isna muuqalkan dhugmo wanaagsan

Waxaan muran ku jirin in masuuliyadu ay sideedaba u baahan tahay shaqsi garaadkiisa iyo aqoonta uu umada ugu adeegayaaba ay tahay mid dhawrsoon oo ku hagaysa dariiqa san ee bulshada ku hogatusaalaysa wanaaga iyo horumarka.

Ramaax oo sida uu aaminsan yahay isu dhiga inuu yahay siyaasi ku dhex jira saaxada siyaasada ayaan odhan karnaa idil ahaan ba maaha shaqsi inyarna uga bilaaban tahay siyaasada waase Af ku-maal xiliyo badan uu xil ku soo qabtay afku-xooglayntaa la gashay cayda iyo afxumada aad so daawateen, haatana hanjabaada iyo afxumida markale isu dhigaya inay u goyso xilal kale, waxse uu moogan yahay haatan in qaranku ka koray afku-macaash oo la gaadhay maxaad taqaan iyo asluubtii musuul looga baahna sifaheeda qofka leh uun inay umadu u baahan tahay.

Waxa isna sidaa ramaax aad is odhanaysa wuu shabahaa Mustafe Shiine oo laftiisuna gobolada qaar ka soo noqday badhasaab oo qoraalada iyo qiimaynta uu soo sameeyo ay ka muuqato aqoon-daro aad u wayn, tiyoo aad si fudud u fahmi karayso raacdada uu ugu jiro xil uu mar kale bulshada u qabto. balse aan xilligeedii iyo dariiqeedii midna aanu hayn.

Wallow uuna meelo badan ka shabihin ramaax oo uu mustafe shiine dhanka dhawrsanaanta iyo Asluubtaba uu kaga duwan yahay balse waxa ay iska matalaan mudo xileedka ay xandaabka dawlada ku jiraan inay difaac indho la’aana ku jiraan, marka xilka laga qaadana ay tubta saacad walba maag iyo maroorin aan miyir ku jirin ay la soo taagan yihiin warbaahinta Noocyadeeda kala duwan, balse dadkii dhegeysan lahaa aanay joogin oo garaadka bulshadu ka koray waxan ay Shubayaan.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News