qorilugudnews24.com
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Hab-Dhaqan Cashuureed Malaha.
June 5, 2019 - Written by qoriadmin

Adduunka Laba Nidaam Baa Cashuuraha Loo Qaadaa, Mid Islaamka Ku Qotonta Iyo Mida Aadmigu Dhigto. Muslim Ahaan Cashuurtu Waxay Ku Dhigan Tahay Isu Dheeli Tirka Dhaqaalaha Iyo Khayraadka Waddanka Ka Soo Baxa.  Waan Ognahay Inaan Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Ku Dhaqmin Nidaamka Cashuuraha Ee Islaamiga Ah Oo Ah Sida Saxa Ah.  Wasiirka Maaliyaddu Haddii Tallo Ku Saabsan (Islamic Finance), Rabo Wuxuu Kala Tashan Lahaa Shuyuukhdeena Ruug Cadaaga Ah Sida, Shiikh Cumar Dirir, Adan Siiro Iyo Kuwo Kaleba. 

Nidaamka cashuuraha reer galbeedku wuxuu ku dhisanayhay isu dheeli tir baahida iyo takaaliifta adeegyada shacabka loo qaabilo.  Adam Smith buugiisii “Wealth of Nation 1776” amaba hantida umada wuxuu ku caanbaxay inuu noqdo marjaca cashuuraha loogu noqdo.  

Adam Smith buugiisu wuxuu qayaxay qodobada cashuuraha xukuma oo ahaa 4ar qodob sidan u dhignaa; 

  1. Fairness: si cadaalad ku jirto, oo dheeli tiran waan cashuurtu ahaataa, oo qofku bixin karayo, cashuurtu waa in ay danaysaa baahida qofka ama qoyskiisa. 
  1. Certainty: wax cad oo qayaxan waa inuu noqdaa cashuurtu. Metelan maxaa cashuurta loo bixiniyaa, side baa loo saaraya qofka 
  1. Convenience:  sidee ugu howl yare e cashuurta loo bixinayaa  
  1. Efficiency: Si hufan oo qarash badani ku bixin waa in loo dhigaa 

Adam Smith waxaa hadalkisii buuga Wealth of Nation uu kusoo qaatay ka mid ahaa; (… what is not acceptable in fairer tax system is to have tax officers imposing arbitrary rates…,). Waar miyuu ogaa Wasaarada Maaliyada ee Somaliland iyo Wasiiradeeda ee astaankeedu noqday Cashuur baanu dul dhignay (Arbitrary). 

Marka intaa la soo dhaafo, cashuurtu waa in ay sharciyo ku dhisantahay sharci ku timaadaa, maahaa wasiir hebel baa soo rogay in cashuurta danyarta la dul dhigo. Waxaan xasuusta Wasiirkii hore ee Maaliyadu, wuxuu yidhi waxaan cashuur dhaaf sanadkii loo samayn karaa qofka hanti $250 Kun oo ah qalab lagu huru marinayo  warshad soo dejiya (Annual Investment Allowance) yaqaan aduunka ama (AIA). 

Cashuuraha ama cashuur dhaafka aduunka wax noocaas ah kuma maqal (AIA) loo gooyo “Minimum” ama meel ugu hoosaysa, lakiin xad ugu sareeya ayaa loo sameeyaa (Maximum AIA). Sidaas markay tahay qof waliba wuxuu maal gashado oo soo rago awoodiisa ayuu cashuur dhaaf loogu sameeyaa sanadkii. 

Wasiirku waxuu ilaawey in dakhliga Somaliland dadka ugu badani ku dhsan yahay $250 Kun inyo wixii ka hooseeya oo badan wershed yar iyo bagaash waxaa loo yaqaan 

Waxaa iyana meesha ka maqan arin aad muhiim u ah oo ah, marka wasiirku cashuur soo cusub soo rogayo inuuu sheego maxay lacagtaasi qaabili doontaa. Macnuhu maaha cashuur baan iska magacaabayaa aan la sheegin wixii ay qaabili lahayd.  Wadanku waa dimoqraatiyad, hadii aynu taa qaadano, meesha wasiir riyoodaa wuu ka baxayaa, oo cashuur aan cadayn wixii ay inoogu bixi lahayd masoo rogi karo waa khalad. 

Aduunku intaanu cashuur soo rogin baadhitaan cilmiyeed bu ku sameeyaa maa “Cahuur baan dul dhigay” arintani waa tii Adam Smith ku tilmaamay (Arbitrary), waa cashuur  cirka soo dhac ah waana khalad wasiirow. 

Qodobka isna aan aad ula yaabay waxa weeye, meel hay’ado cashuureeaneey ka shaqayn sidee cashuuri usoo xaroon kartaa? Aduunku nidaam iyo qaab cilmiyeysan buu u maamulaa cashuurta oo cadaalada ku salaysan.   

Waxaan maalin dhawayd maqlay nin yar oo reer u shaqeeya oo tug lacag ka uruuriyey dabadeena caadhi taksi ah Dubai ka dalbadey oo lagu yidhi $2500 bixi.  Wasaaradu halkay ka dhaaftay in ninkan yari gaadhiga reer ugu shaqaynaayo. Miyaaney iswaydiin wasaaradu qofkani gaadhi kale maleeyahay? Qoyskuu u shaqeeyaa maal maleeyahay? Gaadhigu ma xaragaa mise waa mid qowtal daruuri lagu soo saaraayo? 

Dariiqad dadka dakhligooda loo eego buugaba kuma jirto miyaa? Ma Corporation iyo shakhsi baad si uwada cashuuri, inkastoo Coorporation ka cashuur dhaafka badan loosameeyoba sida ii muuqata?   

Waxyaabaha aan aad ula yaabay waxaa ka mida inaan qafka danyarta ah aanu waasirku danayn ee ay ka tahay ka qaad isigaa jilicsane. Halka “Coorporation” amba shirkadaha balaadhani aan dhakhligooda lagu cashuurin ee lagu cashuuro maxaa bixinaysaa!! 

Waxaa iayana meesha ka maqan aqoontii xirfadeed ee cashuuraha oo ah “Technical expertise” cashuurtu maaha hadal uu, ee waxa weeye xirfad gaara ayaay leedahay.   

Waxaan soo jeedin lahaa wasaarada magaca dheer leh dib haloo eego.  Qaybta iskaashiga caalamiga uma baahna cashuurta amadu, ee Wasaarad kale halagu daro. 

Midakale, qaybta cashuur uruurintu waa in aan lacagta ku baxdaa badan yaraataa, ileen looma samayn in lacag lagu cunee.  Wasiirku waa inuu noqdaa shakhsi public finance aqoon u leh.   

Wasaarada Maaliyada wax kale iska daayo email lagala xidhiidho malaha malaayiin na way ku baxaan. Waxaan ku ogaaday cilmi baadhis xaga xisaabaadka aduuku isticmaalo ee loo yaqaan International Financial Reporting Standards (IFRS) ayaan rabey inaan wasaarada maamulayaasheda wax ka waydiiyo maba shaqeeyo email ka wasaaradu. 

Dekeda Berbera haday tahay waxyar baynu kuleenahay, DP World na lacag uruurin bay inoogu timi, waynu ognahay oo  waxaa loo yaqaan xisaabaha aduunka (Non-controlling Interest or NCI) taasbaan ina cawartay. DP World waa gafane dadka dhiigiisa jaqaya xaqiiqatan.  Waa in la helaa farsamo cashuuraha dadka danyarta ee wax kasoo dejiya dekeda Berbera cashuurta hoos loogaga dhigi karo, ama wadanku dib ha ula  wareego Wasiir, ileen hadyad umaynaan siine.  Hadii aqooni jirto (Goodwill) ka waxaa loo yaqaano  xaga culuunta xisaabaha marka shirkadi shirkad kale iibsato ayaa somailand oo dhami ku dhergi lahayd xaqiiqatan lakiin xaraash baa ka dhacay meesha (Auction) . 

Madaxwaynaha, Wasaarada Maaliyada  iyo Wasiirkeedaba waxaan kula talin lahaawasaaradu dib u habayn cilmiyeysan bay u baahan tahay taana micneheedu maaha ajaanib doono maaha ee aqoon bay u baahantahay. Wasaarada Maaliyadu cashuuro badan baa usoo bixi kara iyadoon cidna dulmiyin, danyartana xaqsoor u samaysa si baahiya bulshaada dowladu u kafaalo qaadato. Labada cashuureed (Islamic versus Conventional) aan mid qaadano, markaas Sacaadatul wasiir ama afgaalo ku hadal, ama af muslim. Looma baahna mara waa kireeyey deked marna wadan ku bedeshey. Loooma baahna wasiir marna cashuurta reer galbeedka ayaan qaadanay, marna ta islaamka ayaan qaadanay. Nidaam degan oo isku dhan baa lagaa rabaa, hadii kale dee wasiir waa inaad ka tagtaa wasaarada maaliyada waayo hadaanu KULMIYE nahay ma ogolaandoono Muuse Biixi baa ijecel. Madaxwayne taladu hor la qabto ayay leedahay, dabo la qabto malaha.   Madaxwayne adaa u door leh talada, anaguna codka ayaanu xaq uleenahay xusuusnow, nin aan ku furina yaanu kuu xidhin talada. 

Saeed Osman 

Associate Financial Analyst, and Qualified Professional Accountant 

Saeed_osman@hotmail.co.uk 

 

COMMENTS
Latest News