qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Sarkaal Ka Soo Jeeda Beelaha Barre Cabdille (Habar-Jeclo) Oo Maanta Lagu Diley Magaalada Hargeysa Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Afka Ka Xidhatay.
June 6, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Gobolka Maroodi-jeex Ayaa Sheegaya In Maanta Magaalada Hareysa Lagu Diley Sarkaal Ka Soo Jeeda Beelaha Barre Cabdille (Habar-Jeclo), Sarkaalkaas Oo Lagu Magacaabi Jirey Illaahay Ha U Naxariistee ”Taliye Naasir Axmed Wadaad Yare”, Ayaa Sida Naloo Xaqiijiyey Ka Tirsanaa Ciidamada Loo Yaqaano RRU-da, Waxaana La Diley Xilli Uu Dhex Hurdey Xerada Ciidankaasi, Welina Ma Cadda Sababta Dhabta Ah Ee Sarkaalkaasi Loo Diley Iyo Ujeedada Rasmiga Ah Ee Ka Dambaysaba.
Geesta Kale Xukuumadda Somaliland Ayaan Weli Ka Hadlin Dilka Sarkaalkan, Isla Markaana Afka Xidhatay, Waxaana Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Looga Fadhiyaa In Ay Xukun Deg Deg Ah Ku Soo Ragto Magaalada Hargeysa, Maadaama Oo Saraakiishii Qaranka Somaliland Hadh-Galay Lagu Dhex Tooganaayo.

Kuvan mahdollinen sisältö: 1 henkilö, seisoo, ulkoilma ja luonto
Kala Soco Wararkayaga Dambe Wixii Warar Dheeraad Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News