qorilugudnews24.com
Dawladda Ingiriiska Oo Caddeysay In Ay Somaliland Kala Shaqeynayso Doorashada Baarlamaanka, Kuna Ammaantay Guulaha Ay Gaadhay.
June 8, 2019 - Written by qoriadmin
Wasiirul-Dawalaha Iskaashiga Caalamiga Ah Dalka UK, Mr. Rory Stewart.

Xildhibaan Stephen Doughty Oo Su’aalo Somaliland Khuseeya Baarlamaanka Ka Hor Weydiiyey Wasiirul-Dawlaha Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Dalkaasi Ingiriiska…..

LONDON-(QorilugudNew24)-Wasiirul-Dawalaha Iskaashiga Caalamiga Ah Dalka UK, Mr. Rory Stewart, Ayaa Ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland Oo Uu Ku Tilmaamay Mid Tallaabsatay  Guullo Wax Ku Ool Ah, Waxaanu Caddeeyey In Ay Kala Shaqayn Doonaan Doorashada Baarlamaanka Ee Soo Socota.

Wasiirul-Dawlaha Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Ingiriisku Wuxuu Sidaasi Ka Sheegay Fadhi Uu Maanta Yeeshay Baarlamaanka UK , Oo  Xildhibaan Stephen Doughty Oo Ka Mid Ah Saaxiibada Somaliland Ee Laga Soo Doorto Koonfurta Cardiff Uu Wax Weydiidey In Ay Dawladda UK Somaliland Kala Shaqeynayso Saameynta Isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada Soo Socota Ee Baarlamaanka Iyo Wada Hadalkii U Dhexeeyey Somaliland Iyo Soomaaliya.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr. Rory Stewart Wuxuu Somaliland Ku Sheegay In Ay Ku Taallo Bad Ay Dhibaatooyin Badani ka Jiraan, Waxaanu Qiray In Ay Guullo Badan Gaadhay, Halka Uu Soomaaliyana Ku Tilmaamay Mid Ay Ka Taagan Tahay Xaalad Adagi.

Mr. Rory Stewart Wasiirul-Dawlaha Iskaashiga Caalamiga Ah Ingiriisku Wuxuu Sheegay In Dawladda UK Ay Jamhuuriyadda Somaliland Kala Shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla Markaana Ay Ka Taageerayaan Doorashada Soo Socota Ee Baarlamaanka Somaliland. “Nasiib Wanaag Waxaan La kulmay Booqashadaydii U Dambeysey Ee Aan Ku Tegey Somaliland, Madaxweynaha hadda Tallada Qabtay. Waxaan Filayaa In Ay Jiraan Wax Badan Oo Aynu La Qaban Karno Somaliland, Waxaan Ku Faraxsanahay In Aan La Fadhiisan Doono Xildhibaanada Si Aanu Uga Wada Hadalno Qoddobada Somaliland Khuseeya,”Ayuu Yidhi Mr. Rory Stewart.

Cumar Maxamed Faarax

COMMENTS
Latest News