qorilugudnews24.com
La Yaabka Dunida: Wasiir Shaqadiisii Gabay, Oo Haddana Ka Hadlaaya Shirka Beelaha Gobollada Bari Oo Aanay Waxba Ka Qusayn Isaga, Arrintaas Oo Dad Badan Ka Yaabisay!!!.
June 15, 2019 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Jidadka Ee Somaliland Mr. Cabdillaahi Abokor (Cabdillaahi Shaani), Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Sida Weyn Ugu Fashilmay Shaqadii Loo Igmaday, Ayaa Si Indho La’aan Ah Uga Hadlay Shirka Beelaha Gobollada Bari Ee Somaliland, Arrintaas Oo Aanay Waxba Ka Qusayn Isaga, Taas Oo Muujinaysa Is Dhex Yaaca Iyo Habacsanaanta Baahsan Ee Ka Dhex Jirta Golaha Xukuumadda Ee Somaliland, Iyada Oo Ay Jiraan Qaar Badan Oo Aan Shaqadoodiiba Garanayn.

Haddaba Wasiirkaas Oo Hadda U Muuqda In Uu Yahay Afhayeenka Dhabta Ah Ee Xukuumadda Somaliland, Ayaa Ka Mid Ah Ragga Ugu Muhiimsan Ee Uu Madaxweyne Muuse Biixi Talladooda Eeday, Kuwaas Oo Sida La Xaqiijiyey Daaha-Dabadiisa Wax Ka Soo Dhiiba.


Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News